Xildhibaan Raamboo oo diiday inuu kala qaybgalo xafladii 18 may ex wasiir cadaani
Xildhibaan Maxamed Raamboo oo ka tirsan golaha wakiilada Somaliland ayaa diiday inuu ka qaybgalo xafladii 18-ka may ee ka dhacday magaalada Toronto ee dalka Canada oo uu ku suganaa Ex-wasiir Cadaani.
Rambow ayaa ka dib markii la sheegay in xoghayaha arimaha dibada ee xisbiga Waddani Cismaan Saxardiid cadaani uu ka soo qayb galayo munaasibada 18-ka May ayuu xildhibaan Raamboo ku dooday inaanu ka qayb galayn oo aanu joogayn xaflad ay mucaaridku ka soo qayb galeen oo wax lagaga sheegayo xukuumada ee uu taageersan yahay ee Muuse Biixi isaga oo dalbaday shuruudona ku xidhay inuu ka qayb galo.
Gorgortan ka dib ayuu Xildhibaan Raamboo waxa uu dalbaday in loo balanqaado inaanu Cadaani waxba ka sheegayn xukuumada Muuse Biixi isla markaana loo dhaariyo inuu fulinayo ballantaas. Xildhibaanka Raamboo markii Shuruudaas loo fuliyey ayaanu ka qayb galay xafladii 18-ka May ee Toronto.
Xildhibaan Maxamed Raamboo oo haatan ku sugan dalka Canada ayaa caadaystay safaro joogto ah oo uu ku tago dibeda, ujeedada safaradiisa ayaana salka ku haysa inuu gacanta soo mariyo jaaliyadaha iyo qoysaska ka soo jeedo beeshiisa arabwayne iyo kuwa ku abtirsada HEEGO, kana soo qaato lacagta ay u soo ururiyaan.
Magaalada Toronto oo uu hada joogo xildhibaan Raamboo waxa ka socda abaabul bulshada loogu sheegayo inay ka qayb qaataan xaflado lacag loogu ururinayo, beeshiisa ayaanu si gaar ah gacanta u marinayaa isaga oo ka dalbanaya in la sooryeeyo.
Xildhibaan Raamboo ayaa caan ku noqday nacaybka mucaaridka isaga oo si gaara u bartilmaameedsada beesha Garxajis oo uu cadawga gudaha u yaqaano, waxaanu lagu tilmaamaa nin kaligii socod ah oo aan lahayn saaxiibo siyaasadeed iyo kuwo bulsho toona, waxaanu noqday xildhibaan aan difaaci Karin fikirka siyaasadeed ee uu kula socdo Muuse Biixi iyo xukuumadiisa.
Ugu danbayn xildhibaan Raamboo waxa uu ka mid ahaa mudaneyaasha tallada xoogan iyo taageeradaba mug lehba Muuse Biixi ku siiyey xasuuqii ay ciidamada Somaliland ka gaysteen deegaanada SSC Khaatumo.