Xildhibaan Qabille Oo Si Adag U Cambaareeyay Sharciyada Labada Xil Ee Guddoomiye Cirro Ku Tun-Tuunsaday
Hargaysa, We-March-20-2013 (SDN) – Xildhibaan Maxamed Faarax Qabiile oo ka mid ah xildhibaanada Golaha Wakiilada ayaa ku baaqay in go’aan laga gaadho labada xil ee uu isku hayo Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Mudane C/Raxmaan Cirro.
Xildhibaanku waxa uu sidaasi ku sheegay waraysi uu siiyay wargeyska DAWAN, waxa kale oo xisbiyadda iyo xukuumadda u soo jeediyay inaan doorasho dambe loo dhiibin komishanka doorashooyinka qaranka oo uu ku eedeeyay hanaankii ay u maamuleen doorashadii deegaanka ee dalka ka dhacday dabo-yaaqadii kal-hore.
Maxamed Faarax Qabiile waxa kale oo uu ka jawaabay eedaymihii ay xukuumada u jeediyeen xisbiga Waddani oo si indho la’aan ah u naqdiyay go’aankii uu Madaxweynuhu ka qaatay shirka London. Xildhibaan Qabile isagoo ka hadlayaY go’aankii Madaxweynuhu ka qaatay ka qaybgalka shirka London, waxa uu yidhi “Go’aankan uu Madaxweynuhu ka qaatay shirka London aragti ahaan waxAan qabaa go’aan geesinimo inuu ka qaatay Madaxweynuhu shirkan mana garan karayo waxa ay uga jeedaan WADDANI degdega noocana.Sidaa daraadeed 100% waxaan qabaa inuu go’aanka madaxweynuhu ahaa mid caafimaad qaba iyo tallaabo loo qaaday dhinaca saxda ah. “Waxaanan ku ayidsan nahay xisbigayaga UCID aragtida uu qabo.
WADDANI su’aalo badan ayaad moodaa inay ka dhalanayaan aragtida xisbigaasi warbaahinta ka sheegeen ee ay ku dureen go’aankii Madaxweynaha ee ummadda oo dhami u bogtay,”ayuu yidhi Xildhibaan Qabille. Xildhibaan Qabile oo naqdiyay Gudida doorashooyinka qaranka wuxuu yidhi “Haddii Komishankaasi dib u soo noqdo in wali wax soo jeediyeen way ahayn indhaha ummada kaga gabadaan bay ahayd. Xaqiiqdii markaa waxaan u soo jeedinayaa axsaabta qaranka xukuumada inay go’aan Geesinimo leh ka qaataan Komishankan dildilaac iyo dhibaatoyinka wali sii huraya ee ka dhacay wadanka masuulka ka ahaa.
Waa waxaan soo jeedinayaa in wax lagu qaato khaladaadka dalka soo maray oo aan doorasho dambe lagu aaminin Komishankan xilka haya waana inaynu ka gaashaamanaa khaladaadkii doorashada ee la isla wada qirsanaa.”
Xildhibaan Qabille waxa uu naqdiyay labada xil ee uu isku hayo Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda, waxaanu ku tilmaamay qayrul dastuuri ah oo u baahan in qaraar qaran laga qaato.“Waxaan Golaha Wakiiladda u soo jeedinayaa inay dastuurka iyo xeerka dhawraan oo ay wax ka qabtaan labada xil ee uu isku hayo Guddoomiyaha Wakiiladdu, haddii kale waxay noqon doontaa mushkilad qaran oo cid walba ka hortimaada”. Maxamed Faarax Qabille.
SDN-Hargeysa
contact@somalidiasporanews.com