Xildhibaan Qabile Waa Xalaal Cun oo marna Khasab kuma balweyn-karo
Waxaa ceeb iyo fadeexad qaawan ku ah xukuumada Siilaanyo in ay ku fashilantey dhacdadii labaad ee lagu wanjalaayey Xildhibaan Mohamed Faarax Qabile. Waxaa ummada Maanta u-cadaatey in duufaanada, shirqoolada,wanjalaada, khilaafyada iyo dabin isu maleega ka dhacay magaalada Berbera iyo guud ahaan JSL uu ka soo burqanaayo xubno idman oo ka mid ah hawlwadeenada xukuumada Siilaanyo ay u-xanbaarisey xilalka aaney qaadi karin.. Waxaa mar-labaad fashilmay bishan markey taariikhdu aheyd 11/4/14 dhacdadii labaad ee lagu wanjalaayey Xildhibaan Mohamed Faarax Qabile kadib markii ay Xukuumadu iibsan kariweydey ee uu ku noqdey laf-dhuun-gashey isaga oo si caadi ah u-gudanaaya shaqooyinkii loo igmadey oo ah in uu xukuumada naqdiyo oo uu ku toosiyo toobiyaha toosan marka ay turunturooto ama taraartaba.
Hadaba Su’aasha ay reer Saaxil is weydiinayaan ayaa ah, Hadii ay maanta Gobolka Saaxil ka bilaabanto sidaa hada dhacdey Wanjalaad, isweerar, isweeteyn, wed ka-werwer, walbahaar, weji-gabax , waraabe-utaag iyo walleh ku-rafasho, ma maareyn karayaan hawlwadeenada aynu naqaano waxa ay galaan iyo waxa ay gudaan ee xukuumadu ay hawshaa u-diratey ee darban ee dalabka ku-shaqeeya ee deris ku noosha ah, dhawaan-dhaladka ah,ee labaca,laba-liska iyo maalin la noolka ah. Waxaa kale oo shacabka reer Saaxil ay ka dheregsan yihiin hawlwadeenadaa ay xukuumadu hawshaasi udiratey geedkii, laacii iyo laantii laga soo maydhaxdiirey, iridihii iyo albaabadii ay xukuumada sida yar ee sibiqda ah ay dalqadeeda ugu soo galeen iyo weliba surimada iyo wadiiqooyinka ay ka duulaan, kana arooraan si ay dhiilahooda carta leh ee aan culeyga iyo cidaadka laheyn uga dhaansadaan xoolahii shacabka baahan iyaga oo sedmoodaaya weliba.
Waxaa Maanta aan faaleyn iyo falanqeyntoona ubaahneyn oo Shacabka reer S/land ay la yaaban yihiin in magaaladii Berbera ee ay ku taaley Dekedii ay beryahanba Xukuumadu ay Faalka iyo Fooxaba la dul-taagneyd si ay Shirkad Faransiis ah uga iibiso ay maanta falalkaa foosha xun ee nabadgelyada magaalada khalkhalin karaa ay ka dhaceen iyada sababteedana iyada Xukuumad ahaan loo tirinaayo.
Waxaan leeyahay Xukuumada Siilaanyo ee deman,dareen nugul Miyaaney ogeyn saameynta ay ku leedahay arintaa fashilantey ee soo noqnoqtey bulshada qeybaheeda kala duwan gudo iyo debedba? Miyaaney ogeyn saameynta taban ee ay ku leedahay Amniga, Xasiloonida iyo guud ahaan nabadgelyada gobolka, dalka iyo duruufaha maanta taagan ee inagu xeeran iyo danta guud ee qaranka iyo baahiyaha togan ee loo qabo in la dhawro xasinoolida iyo wadajirka shacabka reer Somaliland? Waxaanu cod dheer ku leenahay Xukuumada cidii dhacdadaa dhiilada iyo dhimashada leh ka danbeysey waa in sida ugu dhakhsaha badan Xukun lagu ridaa oo sharciga wadanka u-yaala la hor-keenaa si arintaa loo soo afjaro hadii kale Waxay galaafandoontaa inta dibirsan iyo inta doobineysa ee dhibishaxleyneysa ee ku cireysatey duufaanada iyo dabin isu maleega siyasadeed ee xukun jaceylka awgii illaawey diintoodii iyo aakhiradoodii.
Allaa Mahad iyo Mudnaanba Leh
Wa-Laahum-Aclam-Wa-Bilaahi- Tawfiiq
Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi (scs)
Qalinkii : A/rahman Fidhinle
Intensive ED BD PA
United Kingdom
London.