Xildhibaan Qabile oo Beesha Caalamka u diray Fariin ku wejahan Gooni isu taaga Somaliland
Caalamku wuxuu ka war hayaa Soomaaliland inay ahayd dal xilligii isticmaarka hoos yimaada boqortooyadii ingiriiska oo xuduuda cadcad la lahaa Soomaalidii Faransiisku gumaysanayay Soomaalidii Talyaanigu gumaysanaya, Reserv Area oo iyana gacantii boqortooyadii Etheopia ku wareejiyay Ingiriisku sanadii 1954kii.
Soomaaliland waxa cad dhamaadkii dagaalkii labaad ee dunida inay ka mid ahayd meelihii ugu horeeyay ee ay ka bilaabantay dabayshii xornimo doonka ee qaarada Afrika, anigoo guud maraya sooyaalka eaariikheed ee qarankan Soomaaliland wuxuu dalkani xoriyadiisii ka qaatay boqortooyadii Ingiriiska sanadkii 1960 26 juun
waxaana ka dhalatay dawladii ugu horeysay ee dadka af Soomaaliga ku hadla hiil iyo laablakac gumaysi diid awgeed waxay la midawday Soomaalidii Talyaanigu gumaysanayay oo ay kala ahaayeen laba dal, dareenka hagardaamo oo dadka reer soomaaliland ku soo kala horeysay & qawadka saami qaybsigii dawladeed, isla sanadkii 1961kii Saraakiishii dhalinyarada ahaa ee wax ku soo bartay Britain oo ka biyo diiday habdhaqankii iyo hungawgii ay kala kulmeen ayaa kalifay inay ku kacaan afgambi milatari oo u jeedadiisu ahayd dib ula soo noqoshadii xoriyada Soomaaliland, hase yeeshee inqilaabkaasi ma noqom mid guulaysta. Laga bilaabo taariikhdaa dareenka iyo tabashada dadka reer Somaliland wuxuu ahaa mid marba marka ka danbaysa soo kordhaya sida la aaminsan yahay dilkii Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cabdirashiid Cali Sharmarke ee dhacay 15kii October 1969 waxa loo aaneeyaa magacaabistii uu raysal wasaare Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal uu ugu magacaabay jagadaasi. taasi oo daaranayd mansab quudhi waa isla xiligaana uu dhacay inqilaabkii uu hogaaminayay Maxamed Siyaad Barre waxaana isla waqtigaa Maxamed X ibraahim la dhigay xabsiga waxa 1970 si badheedh ah loo toogtay sarkaal la odhanjiray Axmed Cali Moote sarkaalkaas oo si dir sooc ah loo dilay.
Dhacdooyinka lama ilaawaanka ahaa waxa kamid ahaa dhalinyaradii laga gurtay guryaha, isla markaana lagu xasuuqay xeebta Jasiira kuwaas oo ka soo jeeday Waqooyi, dhacdadaas oo ahayd fal argagax leh. 1977 dagaalkii itoobiya ay la gashay dawladii Maxamed Siyaad hogaaminayay waxa dhacday in colonel cirro oo fulinaya awaamiirtii maamulkaa in uu soo xulay saraakiishii iyo ku xigeenadii xiidanka xooga dalka Soomaaliyeed ee ka soo jeeday Gobolada waqooyi in lagu wargeliyay in lagu abaal marinayo dalacaad iyo bilad geesiyo dalacaadii iyo abaalkoodiina noqday in dhegta dhiiga loo daro habeen madaw, waxay taasi hurseeday aakhirkii in sanadkii 1981kii lagaga dhawaaqay ururkii SNM Magaalada London ee Cariga Ingiriiska, isla sanadkii xigayna waxa ururku uu unkay cududii milatari iyadoo uu saldhig milatari ka helay dalka Etheiopia taas oo ilaa maanta shacabka Soomaaliland abaal weyn ugu hayo dalka Ethropia, waxaana sii laban laabmay cadadiskii dilkii, xasuuqii iyo tacadiyadii lagula kacayay gobolada waqooyi iyo dadka ka soo jeeda waxaana ku le’day boqolaal kun oo rayida waxay galabsadeena aanay jirin, waxaana ka marag kacaya xabaalo wadareedyada Taariikhiga ah waxaana si weyn wax uga qoray suxufiyiin badan oo caalamiya arimahaasi waxay marag cad u yihiin masiibooyinkii ku habsaday reer waqooyiga pyo dhibta ay midawgii kala kulmeen inta uu le’eg yahay.
Si kastaba ha ahaatee ururkii dhaqdhaqaaqa wadaniga Soomaaliyeed oo taageero mug leh ka helaya shacbigii dhibtaas loo geystay oo hiil iyo hooba la garab is taagay gudo iyo dibadba. Waxay halgan qadhaadh kala hortageen una badheedheen mid kamida dawladihii Afrika uggu quwada waynaa iyadoo aakhirkii ay guul kama danbaysa ku direen taliskii macangaga ahaa kadib halgan qaatay 10 sano.
Sidaa darteed waxay xoriyadoodii la soo noqdeen sanadkii 1991 18 May waxaana burco oo lagaga dhawaaqay lasoo noqoshada xoriyada iyo gooni isu taaga Jamhuuriyada Soomaaliland go’aankaas oo ahaa mid ay u dhamaayeen dhamaan beelaha ka soo jeeda Soomaaliland waxaana goobtaa lagu dhisay xukuumadii u horeysay ee Soomaaliland oo uu Madaxweyne ka noqday C/Raxmaan Axm Cali, talaabadii u horeysay ee la qaadayna waxay noqotay dibuheshiisiin dhaba oo laga dhex dhaliyay beelihii reer Soomaaliland ee wada dhashay kuwii S N M ka tirsanaa iyo kuwii taliska la riday la shaqaynayayba halkaana waxa ka curtay qaranimada Soomaaliland. Waxa ku xigtay dawladii labaad ee uu hogaminayay Maxamed X. Ibraahim Cigaal oo lagu soo dhisay shirkii Boorame xilkana soo haysay laba teeram waxaanay salka u dhigtay dhamaan astaamihii qaranimo, dawladii saddexaad oo uu hogaaminayay Daahir Riyaale Kaahin oo Madaxweyne ku xigeena ka ahaa xukuumadii ka horeysay ee Cigaal hogaaminayay wuxuu isaguna dhamaystiray hanaan kii iyo geedi socod kii demoqraadiyada iyo asxaabta badan isagoo suurta geliyay in ay qabsoomaan doorashooyinkii badnaa ee isku xigay sida tii dawladaha hoose, baarlamaanka, Madaxtooyada oo laba jeer oo kala dambeeyay ah, kuwaas oo dhamaan u dhacay si xor iyo xalaal ah dhamaan beesha caalamka oo goob joog u ahaydna ay qireen.
Geedi Socodkaa dimuqraadiga ah oo xisbiga Kulmiyr ee uu hogaaminayo Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo uu kaga guulaysatay xisbigii iyo xukuumadii talada haysay ee uu hogaaminayay Madaxweyne Riyaale iyo xisbigii kale ee mucaaradka ahaa oo uu hogaaminayay Md Faysal Cali Waraabe.
Soomaaliland iyada oo dhamaystirtay dhamaan shuruudihii qaran looga baahnaa isla markaana aan wax gacanqabada ka helin beesha caalamka, marka loo eego gacantii ay beesha caalamku siinaysay xukuumadihii taagta darnaa ee u kala dambeeyay koonfurta soomaaliya kuwaas oon Caasimada Muqdisho gacabta ku hayn oo xaukumayay xaafado yar oo caasimada kamida, isla markaana iyadoo Ciidamo shisheeye iyadoo ay gacan siinayaan xasilin kari waayay Muqdisho. Hadaba waxay maanta Soomaaliland Caalamka ka eegaysay in ay ka hesho aqoonsi buuxa iyo taageero caalamiya oo dhan kasta ah, halka dawladihii caalamku taageerada joogtada ah la garab taagnaa ee koonfurta Soomaaliya u kala dambeeyay ay wali dhaafi la’yihiin kuna jiraan illaa hada ku meelgaadhka.
Gooni isu taagayga iyo madaxbanaanidayda waxa ii jidaynaya hadaan Soomaaliland ahay qodobka aaya katashiga ee jimciyada quruumaha ka dhaxaysa, charterka AU (African Umion) ee ka hadlaya xuduudaha afrika in ay yihiin kuwii Isicmaarku dhigay. Xasiloonida, hanaanka dimuqraadiyada ee qaangaadhka ah, karaamada iyo rabitaanka Shacbiga inuu Beesha Caalamka kaga helo kalsooni iyo Aqoonsi buuxa.
Shacbiga Soomaalilandna Soomaaliya uma hayo wax aan ka ahayn walaalnimo iyo dal jaar ah oo Afrikaan ah kuna wada noolaadaan deriswanaag.
ALLAA MAHAD LEH
Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile