|

Xildhibaan Nac Nac oo beeniyay in Qandaraas lagu siiyay isaga iyo Laba Xildhibaan oo Kale daabacaada Somaliland E-passport .

Hargaysa 04.Feb.(SDN) Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye Nac Nac,oo ka Mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada ee Somaliland,ayaa  waxba Kama Jiraan Ku tilmaamay Warar ay Warbaahinta Maxaliga Ah Qaarkood ay dhawaanta Qoreen oo Sheegayey in Xildhibaano uu  ka Mid yahay Qandaraas Lagu siiyay soo Daabicida Baasaboor Cusub  oo dalka loo soo daabacayo Somaliland.

 

Xildhibaan Nac nac oo Warbaahinta Kula Hadlayay maanta  Magaalada Hargeisa ayaa sheegay in aanu jirin wax qandaraas ah oo arintaa la xidhiidha oo uu ku lugleeyaha.  Wararkaasi Saxaafada  Qaarkeed Qoreena aanu ahayn Mid Sal iyo Raad Leh,Isla Markaanayahay  Been Abuur Cad oo lagula kacay.

Xildhibaan Nacnac waxaa uu intaasi ku daray in isaga iyo xldhibaano kale oo ka tirsan golaha wakiilada somaliland Ay Wadanka Ingiriiska u Tageen Arimo kala duwan iyada oo  Xildhibaanada  qaarkood ay u tageen Hawlo   Taakuleyn  ah oo  Wax Lagag aQabanayo Dhismaha Madaarka Burco,Isaga iyo xubno kalena ay u tageen  Sidii ay uga Qayb Gali lahaayeen Carwo Caalami ah oo ka Dhacaysay Magaalada Biringmiham ee Cariga Ingiriiska.

Xildhibaan Nac nac ayaa Warbaahinta u jeediyey inay ka feejignaadaan Wararka Been abuurka ah.

Hargaysa SDN.

Comments are closed