|

Xildhibaan Nac Nac iyo Maamulka Gobolka Togdheer Siday uga Hadleen Mudaharaadkii Maanta Ruxay Burco DAAWO

Burco 18.Aug 2014 (SDN/QJ)- Guddoomiyaha gobolka Togdheer Maxamed Muuse Diiriye iyo Xildhibaan Axmed Diiriye (Nacnac), ayaa ka hadlay Muddaharaad maanta gilgilay magaalada Burco ee xarunta gobolkaas, kaasoo lagaga soo horjeeday Odayaal Dhaqameed ka soo jeeda Beesha Cabdalla Arab oo xalay Xabsiga magaaladaas loo taxaabay, ka dib markii ay ku gacan-saydheen aqbalaadda go’aan ay soo jeediyeen Wefti Xukuumaddu u dirtay oo Xildhibaan Nacnac ka mid yahay.

MUDDAHARAAD KA DHACAY BURCOMUDDAHARAAD KA DHACAY BURCO 4

MUDDAHARAAD BURCO MUDDAHARAAD BURCO 2  MUDDAHARAAD KA DHACAY BURCO2 MUDDAHARAAD KA DHACAY BURCO 3  MUDDAHARAAD KA DHACAY BURCO 44 MUDDAHARAAD KA DHACAY BURCU AFTAHANNEWS MUDDAHARAAD KA DHACAY M BURCO MUDDAHARAAD KA DHACAY MAGAALADA BURCO

Muddaharaadkaas lagaga soo horjeeday Xadhigga Odayaasha Beeshaas, ayaa ka bilaabmay Xafiiska maamulka gobolka, isla markaana gaadhay xarunta dawladda hoose iyo Xabsiga dhexe ee magaalada Burco, iyaga oo qaybo waddooyinka magaalada ka mid ah Taayirrada Baabuurta ku gubay, isla markaana socod ku marayey goobahaas kala duwan, ayay dalbanayeen in xorriyaddooda loo soo celiyo Odayaasha Dhaqanka ee Beeshooda ka xidhan, hase-yeeshee inkasta oo aanu muddaharaadku mid fudud ahayn, haddana ma jiraan wax khasaare ah oo ka dhashay, waxaaa markii dambe kala kaxeeyey Ciidammada ammaanka magaalada Burco.

Halkan hoose ka daawo Muuqaalka Badhasaabka gobolka Togdheer iyo Xildhibaan Nacnac

Hargaysa SDN/QJ
contact@qurbejoog.com

Comments are closed