|

Xildhibaan Maxamuud Amiir Warsame Oo Nidar Ku Maray Inuu Tageero Ka Gaysanayo Dhisma Wadada Ceerigaabo Iyo Burco

Hargeisa 14.October 2013 (SDN)- Xildhibaan Maxamud Amir Warsame Jama oo katirsan golaha deegaanka degmada ceerigaabo ahna musharaxii labaad ee ugu codka badnaa xildhibaanaddi ku baratamayay golaha deegaanka degmada ceerigaabo kana soo baxay xisbi mucaaradka wadani oo warbaahinta kula hadlayay magaalada hargeisa Isagoo hawlo shaqo ujooga ayaa si adag u taageeray dhismaha wadada isku xidha gobolada sanaag iyo togdheer ee xukumaddu gacanta ku hayso.

Xildhibaan amiirWaxana xildhibaanku sheegay inay mudan tahay in la haneeyo guulaha dhanka horumarka laguna tageero xukumadda isagoo dhankiisan wacad ku maray inuu hiil iyo hooba isla barbar taagi doona wadadasi sidii ay udhismi lahayd.

Waxanu intaasi xildhibaanku ku ladhay inaan cunfi iyo xaaasidnimo aan loo meldiyin logula kufa wax ka qabadka wadadasi ee ay xukumaddu wado loona baahan in mucaarad iyo muxaafidba dhanka horumarka dalka iyo mabda madaxbanaanida iyo jiritaanka Somaliland laga midaysnaadoo si looga guulaysto buu yidhi cadawga badan ee dalkan curdinka ahi leeyahay

Isagoona iftiimiyay faa’iidada ay Wadadu uleedahay shacabiga labada gobol ee sanaag iyo togdheer looguna baahan yahay inay si gaar ah u ilaashadaan meelna uga soo wada jeestaan buu yidhi si ay uga raystaan rafaadki iyo xanuunkii wadadaasi ee ay mudada dheer la rafiiqa ahaayeen

Xildhibaan Maxamud Amiir oo hadalkiisa sii wata ayaa qurba joogta dalka iyo ganacsatada ugu baaqay inay ka qayb qaatan dhismaha wadadasi isagoona si gaar ah farta ugu fiiqay qurba joogta labada gobol ee togdheer iyo sanaag oo uu sheegay in loo baahan yahay inay hormuud ka noqdaan taageera ufidinta wadadasi si ay ugu hirtaan qurba joogta kale ee dalku.

Waxa kale oo xildhibaanku si wayn usoo dhoweeyay bedelka lacagtii faalisada ahayd ee giimbaarta shilanka somaliga baanka dalku uga bedelay magaalada ceerigaabo Ugu dambayntiina waxa uu Umadda islaamka ah iyo shacbiga reer somalilandba ku hambalyeeyay waynaynta munaasibadda cidul adxaha

Xildhibaan Maxamud Amir Warsame ayaa noqonaya xildhibaankii u horeeyay ee golaha deegaanka degmada ceerigaabo ee taageera dhisma wadadasi shaacana ka qaada inuu dhankiisa muruq iyo maalba dul dhigi doona waxana hadalka xildhibaanku kusoo beegmay xili golaha deegaanka degmada ceerigaabo ku kala aragti duwan yihin arinta dhismaha wadadaasi ee xukumaddu gacanta ku hayso.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed