|

Xildhibaan Maxamed Jaamac Cali:Wasiir Duur waa in uu toobed keenaa,xeerka Doorashooyinka wax kabedlkii lagu sameeyay khalad buu ahaa,murana dalka wuu geliyay(DHEGEYSO)

Hargeysa September, 24 2012 (SDN)- Xildhibaan Maxamed Jaamac Cali oo ka tirsan golaha Wakiilada Somaliland, ayaa naqdiyay hadalo ka soo yeedhay Wasiirka Daakhiliga Mr. Maxamed Nuur Carraale (Duur) oo ku saabsanaa in xukuumaddu raad ku lahayd doorashadii Madaxtinimada Soomaaliya.

Wasiir Duur oo Jimcihii u waramay HCTV, waxa kale oo uu sheegay in xukuumad ahaan ay cafis u fidinayaan dhalinyarada Somaliland ka tegay ee Al-Shabaab ku biiray, haddii ay ka waantoobayaan fekerkaa khaldan ee ay qaateen.

Hase yeeshee, xildhibaan Maxamed Jaamac Cali oo ka tirsan golaha Wakiilada, lagana soo doortay gobolka Togdheer, waxa uu hadaladaa wasiirka ku tilmaamay kuwo fool-xun oo nasiib-darro ah.

Xildhibaanka oo waraysi siiyay shabakadda Somalidiasporanews.com/Qurbejoog.com, waxa uu sheegay in aan wasiirka loo dirin hawlaha Soomaaliya, taas bedelkeedana ay shaqadiisu tahay
inuu ka shaqeeyo hawlaha amniga ee Somaliland.

Haddaba, halkan ka dhegayso waraysigaas oo uu xildhibaanku sidoo kale kaga hadlay aragtidiisa ku saabsan muranka ka dhashay labada xil ee guddoomiyaha golaha Wakiilada Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro) isku hayo oo aragtiyo iska soo horjeeda laga
bixiyay.

[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/maxamed.mp3″]

 

Comments are closed