Xildhibaan ka tirsanaa golaha Wakiilada Somaliland oo maanta Hargeysa ku geeriyooday
Hargeysa May, 09 2013 (SDN)- Axmed Maxamed Maxamuud (Afweyne) oo ka tirsanaa golaha Wakiilada Somaliland, ayaa maanta ku geeriyooday magaalada Hargeysa.
Alle haw naxariistee, marxuumka waxa isla Khamiista maanta lagu aasay magaalada Hargeysa.
Marxuum Axmed Maxamed Maxamuud (Afweyne), wuxuu ka tirsanaa xildhibaanada xisbigii burburay ee UDUB uga soo baxay gobolka Awdal ee galbeedka Somaliland.
Ma jiro wax war ah oo shirguddoonka golaha Wakiiladu ka soosaaray geerida marxuumka oo ka mid ahaa xubnaha siyaasad ahaan gunyar-socodka ah ee golaha ku jiray.
Dhinaca kale, Madaxweyne Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa dhambaal tacsi ah u diray labada gole ee Baarlamaanka ee Guurtida iyo Wakiilada, kuwaasoo uu ka tacsiyadeeyay geerida xildhibaan marxuum Axmed-afweyne, wuxuuna dhambaalka tacsidu u dhignaa sidan; “Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waxa uu tacsi u dirayaa labada Golle ee wakiilada iyo Guurtida Jamhuuriyada Somaliland gaar ahaan Golaha wakiilada Somaliland oo uu ka ka tacsiyadaynaayo geeria ku timid ALLE ha u naxariistee Xildhibaan Axmed Maxamed Maxamuud (Afweyne) oo ku geeriyooday Magaalada Hargeysa laguna aasay maanta, Marxuumka oo beryahanba u jiifay xanuun.
Sidoo kale waxa uu madaxweynuhu tacsi taasi la mid au dirayaa Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii, iyo Shacbiga Somaliland isaga oo ka tacsiyadaynaya geerida ku timid xildhibaanka.
Madaxweynuhu waxa uu MARXUUMKA uga baryayaa inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Golaha wakiilada, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Dhammaan Shacbiga Reer Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo Imaan ka siiyo.”
Qurbejoog.com, Hargeysa