Xildhibaan ka tirsan Gollaha Degaanka Hargeysa oo dil u geystay Nin Shacab ah iyo Dareenada ka dhashay
Hargeysa 30,2013(SDN)-Dhacdo fool xun oon hore looga baran Magaalo madaxda Jumhuuriyada Somaliland iyo guud ahaan wadankaba ayaa ka dhacdey Magaalada Hargeisa.
Waxaa waqti xili dambaadkii ku beegan dil toogasha ah fuliyey gacan ku dhiigle Xildhibaan golaha deegaanka ka tirsan oo magaciisu yahay Mustafe cismaan daahir oo Marxuumka u dilay si badheedh ah waqtigaas oo ilo warar ahi noo sheegeen inuu xildhibaanku sirkhaansanaa,kuna dilay Marxuun aan waxba galabsan magaalada Hargeisa gaar ahaan xaafadda New Hargeisa ee dhanka bari kaga beegan caasimada Hargeisa.
Wali waxaa socota baadhista dilkan foosha iyo anshax darrada ah, iyadoo lagu eedaynayo gabi ahaanba xildhibaanada golaha deegaanka ee waqtigan jooga inay yihiin kuwa aanu caqligoodu ku filnayn balwadaha kala duwanna isticmaala.
Si kastaba ha ahaatee waxaa suuq weynaha hargeisa la is la dhex marayaa dilkan foosha xun iyada oo lagu shimbiro waaqlaynayo gabi ahaan Xildhibaanada golaha deeganka, iyadoo Xildhibaankan dilka geystey lagu xidhay jailka Hargeisa, waxaa afkaar kala duwan laga muujiyey dhamaan xildhibaanada golaha deegaanka ee hargeisa kuwaas oo dadkii soo doortey qabiil ahaanna iskugu xigeen si badheedh ah ugu caga jug leeya.
SDN-Hargeysa
contact@somalidiasporanews.com