|

Xildhibaan Ibrahin Kacaan Oo Sheekh Aadan Siiro Ka Difaacay Dhaliilo Uu Hore Wasiirka Caddaaladdu Ugula Dul Kufay

 Gabiley:24-Oct-2013(SDN)-Xildhibaan Ibraahim Axmed Haybe(Ibraahim-kacaan oo ka mid ah Golaha wakiillada Somaliland, islamarkaana laga soo doorto Deegaanka Gabiley, ayaa dhaliil u soo jeediyey Wasiirka wasaaradda Caddaaladda Somaliland Xuseen Axmed Caydiid.

kacaanXildhibaanka ayaa deedafeeyey dhaliilo uu wasiirku hore ugu soo jeediyey Sheekha Aadan Muxumed Xiirey (Aadan-siiro) oo isagu mar hore ka hadlay silic  haysta Maxmadda Degmada Gabiley oo wasaaradda caddaaladdu waxba u qaban weydey.

Xildhibaan Ibraahim Kacaan, ayaa isagu ka markhaati kacay hadalka sheikh Aadan Siiro, waxana uu farta ku fiiqay waxyaabaha sheekhu sheegay inay dhamaantood ka jiraan Gobolka Gabiley,  “waxan maalin dhawayd warbaahinta ku arkayay wasiirka caddaaladda xuseen caydiid oo aad u cambaraynaya caalimka wayn ee sheekh adan siiro oo ku tabarucay inuu qaadhaan u ururiyo maxkamadda Gabiley ee aad iyo aad u busaaradaysan ee aad iyo aad u difaysan ee ay ka argagaxeen dadka iyo sheekhuba oo ay yidhaahdeen cidna uma maqna ceelna uma qodna  ee aynu isxilqaadno oo aynu u ururino” ayuu yidhi Ibraahim Kacaan.

Xildhibaan ibraahim kacaan ayaa xusay in wasiirka caddaalada Somaliland uu sheekha ku dhaliilo runta uu sheegay iyo dhaliisha uu ka hadlay, waxana uu yidhi, “ inuu wasiirku ku ceebeeyo sheekha oo  muftaaxa masaajidka hayska dhiibo oo ha soo galo siyaasada iyo halkanuu ka cararay iyo Gabiley buu tagay, madaxwaynuhuu aflagaadeyay yidhaahdo yidhaahdo Ma ay ahayn,”

Ibraahim Kacaan oo Hadalkiisa sii wata ayaa yidhi,“aad iyo aad baan ugu xunahay xagga diinta iyo xaga dadnimadaba aad baan uga xunahay sheekha quraanka xafidsan ee caalimka ah ee kitaabka sita ee dhaxalkii nabiga inaga  haya, waxa xukuumad iyo cid walba ku waajib ah in la ixtiraamo oo la sharfo Oo Aan Hadal Adag iyo mid xun toonna  lagu odhanin.”

Xildhibaan Ibraahim Kacaan,ayaa sheegay in Sheekh Aadan siiro yahay wadaad caan ku ah samofalka iyo u gargaaridda meelaha danta guud ah, waxan uu yidhi, “waxa intaas u dheer sheekhu waa macalin diinta islaamka dhiga wuxu macalin u yahay in ka badan shan kun oo inan oo rag iyo dumarba leh, meel kasta oo wax laga samaynayana wuu tegayaa oo wax buu ka qabtaa Heeganna wuu u yahay, waxana uu si gaar ah uga shaqeeyaa Xabaalaha, waxana uu sidoo kale wax la qabtaa meelaha dhimirka iyo jeelasha”

Xildhibaan Ibraahim Kacaan ayaa si cad u sheegay inaanu sheikh Aadan siiro qariib ka ahayn Degaanka Gabiley, sidaas darteed uu xaq u leeyahay inuu ka damqado dayaca ka muuqda iyo hagrashada gobolkaas ee dhinaca wasaaradda caddaalada, waxana uu yidhi, “hadaanu reer gabiley nahay oo aan anigu xildhibaan reer gabiley ahay sheekhu kuma aha qariib gabiley, xuseen caydiidow sidaad adiguba Balli-gubadle  aanad qariib ugu ahayn sidaa adiguba u tagto ayuu shewkhuna u tagay gabiley xaqna waxa uu u leeyahay inuu gabiley tago inuu dadka wax laqabo inuu wax u qabto inuu dadka nala garab galo sidaa awgeed waxaan jecelnahay inaad sheekha siiso xaal waxyabahaa aad ku hadashay aad ka noqoto oo halkii ay candhuufatadu gaadhay gacantaadu gaadho.”

Wasiirka wasaarada Caddaaladda Somaliland Xuseen Axmed Caydiid ayaa isagu dhawaan dhaliilo kulul dusha ka saaray  sheikh Adan siiro oo mar hore sheegay in Maxkamadda Gobolka Gabiley u baahan tahay in dadkiidu dhistaan, waxana arrintaas maanta ka jawaabay Ibraahim Kacaan oo aan jeclaysan nidaamka uu wasiirku uga jawaabay shaqadiisa uu dayacay.

 

 

S.D.N

 

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed