|

Xildhibaan Hargeysa ku xidhay nin dhalinyaro ah

Xildhibaan ka tirsan Golaha Wakiilada ee Somaliland ayaa magaalada Hargeysa ku xidhay mid ka mid ah dhalinyarada hal-abuurka leh ee wax qora.

Xildhibaan Jamaal Aadan Diiriye ayaa xidhay Siciid Maxamed oo ah nin dhalinyaro ah oo degen Degmeda Maxamuud Haybe ee Hargeysa isla markaana wax ku qora baraha bulshada.

Xadhiga ayaa yimi kadib hadalo dhex maray Xildhibaanka iyo ninka dhalinyarada ah, iyadoo uu xildhibaanku ka cadhooday hadalada ay is dhaafsadeen.

Somaliland waxa sharci darro ah in qof uu xidhan karo qof kale ama boolisku sameeyaan xadhig aanay waaran maxkamadeed u haysan. Muddooyinkii danbe ayay soo badanayeen dadka lagu xidhayo waaran la’aantu.

Comments are closed