|

Xildhibaan Guruuje oo kaftan ku duran Wasiir Maxamed Kaahin

Hargeysa (QJ) – Xildhibaan Guruuje oo ka tirsan Gollaha Wakiilada Somaliland oo laga soo doorto Gobolka Maroodijeex ayaa kaftan siyaasadeed ku duray wasiir Maxamed Kaahin oo beryhan saxaafada ku metelamadaxweyne Biixi.

Wasiir Kaahin ayaa u muuqda nin madaxda axsaabta dalka ka xigsanaya halgankii SNM ee Somaliland ka dhalatay.

Guruuje ayaa qoraal uu soo dhigay bogiisa Facbook waxa uu ku yiri:

” kaftanka caawa. Maxamed kaahin faanka xaq buu u leeyahey “.
Abtigey maxamed kaahin xirfad ahaan waa milateri , mudadii uu milateriga ahaana inta ugu badan amarka Ilaahey wuxuu lasoo shaqeeyay saraakiil milateri oo ilmaadeeradoo garxajisa oo xukumi jirtey tusaale .
1- 1977 maxamed wuxuu ahaa 2 xidigle ah taliye urur waxaana taliye guuto u ahaa col shafool .
2- 1983 wuxuu ahaa xoghayaha guud ee snm gudoomiyaha guud ee snm waxaa cabdiqaadir koosaar .
3- 1988 wuxuu ahaa gudidada dagaalka snm waxaana gudoomiye u ahaa jaamac cali cilmi .
4- 1991 wuxuu ahaa hogaanka saadka qaybta 12aad ee snm waxaana taliyaha qaybta 12aad ee snm ahaa xasan kayd .
5- 1991-2 wuxuu ahaa wasiirkii gaashaandhiga waxaana madaxwayne u ahaa cabduraxmaan tuur .
Markaa ilmaadeerayaal maxamed kaahin wuusoo dagaalamay , dagaalka uusoo dagaalaamsyna saraakiil garxajisa ayuunbaa ku xukumaysaye faankiisa haka xanaaqina xaq buu u yeeshaye .

Comments are closed