|

Xildhibaan Dheeg oo jawaab ka bixiyay hadal uu Xilhibaan Indho-indho ku duray Shirkii Turkiga

Hargeysa, 03, June (SDN)-  Xildhibaan Maxamed Maxamuud Yaasiin (Dheeg) oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Guurtida Somaliland ayaa jawaab ka bixiyay hadal uu hore Xildhibaan Cabdiqaadir Indho-indho ugu duray qaabka uu uga weftigii Wasiirada ahaa ee tagey Turki Wasiir Xaabsade.

Xidhilaan Dheeg oo maanta warbaahinta la hadlay ayaa ku tilmaamay hadalka Xidhibaan Indho-indho mid aan macno badan samaynayn, waxaanu sheegay in Xaabsade uu yahay nin ka balaadhan in loo hadlo.

Xildhibaan Dheeg ayaa si adag u difaacay meeqaamka weftigii Wasiirrada ahaa eek a qaybgalay shirkii dhawaan Turkiga loogu qabtay Soomaalida, waxaanu sheegay in Wasiirrada tagey ay si mug leh u matalayeen dhamaan ummada Somaliland.

Waxa uu Xildhibaan Dheeg meesha ka saaray hadal uu hore Xildhibaan Indho-indho ku sheegay in ogaan looga reebay ka qaybgalka shirkaas, Wasiir Xaabsade.

SDN, Hargeisa

Comments are closed