|

Xildhibaan Canbaaraynta Xukuumada ku Caanbaxay oo hada u digo rogtay Taageerayaasheeda

Hargaysa 20.July 2014 (SDN/QJ)-Xildhibaan Saleebaan Yuusuf Cali Koore ayaa sheegay in uu la shaqayn doono Xukuumada Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) Oo uu waxyaabo badan ku dhaliili jiray isla markaana uu in badan  ka soo hor jeeday qaabka ay wax u waddo.

Xildhibaan saleebaan cali kooreWaxa kale oo uu carrabka ku dhuftay in uu soo dhaweynayo Magacaabista Gobolka Xaysimo ee uu dhawaan Madaxweyne Siilaanyo magacaabay.

Sidaasna waxa uu ku sheegay mar uu maanta Warbaahinta u waramayay, waxaanu yidhi “Horta Waxa aan halkan Bogaadin uga jeedinayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo dhawaan magacaabay Gobolka Xaysimo, runtii xukuumadda uu hogaminayo madaxweynuhu waxyaabihii ay ku taamaysay bulshad reer taleex wax badan ayuu ka fuliyay, waxaana ugu weynayd in la magacaabo gobol.

Gobolka Magacaabistiisa waxa ku

jirta Xikmad iyo waxyaabo badan oo horumarin ah, waxa ka mid ah in degmooyin kale la magacaabo, waxa ka mid ah in maamulka lagu Fidinayo oo ay Somaliland gaadho xuduudaha” ayuu yidhi.

Waxa uu sheegay in uu ka xildhibaan ahaan la shaqayn doono xukuumadda “In Aad xukuumada la shaqaysaa, markaa ay Deegaankaaga Hawl ka hayso waa masuuliyada koowaad ee Xildhibaanka.

Faraq weyni uma dhaxeeyo oo waxa aad odhan kartaa waxaas iyo waxaas baa khalad ah, laakiin iminka xukuumadda si aad iyo aad ah baanu wada shaqaynaa, si aad iyo aad ahna waanu isugu dhaw nahay Madaxweynaha iyo Golahiisa Wasiiradaba, waxaanan jecelahay in aanu sii wada shaqayno.

Hargaysa SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

Comments are closed