Xildhibaan Cali Aareeye iyo Wasiirkii hore ee Ciyaaraha Cabdi Siciid Faahiye oo si adag uga jawaabay hadalkii Wasiirka Arrimaha Gudaha
Hargaysa 20.Jan.(SDN) Xildhibaan Cali Sheekh Ibaraahim Aareye Iyo Wasiirkii Hore Dhalinyarada Ciyaaraha Somaliland Mudane Cabdi Siciid Faahiye ayaa si adag u daadifeeyay hadalkii Shalay ka soo Yeedhay Wasiirka Arrimaha Gudaha Mudane Maxamed Nuur Caraale Duur oo Sheegay in beesha Ciise ay dhinac iska dhigeen Go’aamo ay ka gaadheen Xiisada ka dhex taagan Golaha Deegaanka ee Magaalada Saylac,isla markaana Xusay inaan nabadgalyada guud ee Wadanka dawlada Cidna u daba fadhiisanayn.
Xildhibaan Cali Sheekh Ibaraahim Aareye iyo Siyaasiga Cabdi Siciid Faahiye waxay Cadeeyeen in beesha ay ka dhasheen aanay marnaba ku kacayn wax dhibaato ku keena Qaranimada Somaliland waxaanay iftiimiyeen in aanay jirin wax ay ku diideen Wasiirka Arrimaha Gudaha,oo uu ula yimid .
Xildhibaan Cali Aareeye waxa uu ku dooday in beesha Ciise ay dhibaato badani ka soo martay Yagleelida Qaranimada Somaliland laga soo bilaabo Xiligii Ingiriisku Xukumayay Somaliland iyo markii dib ay ula soo noqotay Xoriyadeeda waxaanu ka dalbaday in Wasiirka Arrimaha Guduhu Xaal ka siiyo Beesha Ciise hadalka Xanafta leh ee uu ku dul tuuray.
Sidoo kale Wasiirkii Hore Dhalinyarada Ciyaaraha Somaliland Mudane Cabdi Siciid Faahiye ayaa dhiniciisa ka sheegay in Xukuumada Talada haysa aanay beeshiisu ku lahayn hal agaasime Guud waxaanu xusay inay soo dhawaynayaan hadii ay Jirto Xilal beesha la siiyo isagoo intaas ku daray in hadalo xaqiiqada ka fog lagu canbaareeyo beesha ciise.
Hargaysa SDN.