Xildhibaan Cabdiraxmaan Dheere Oo Ka Muraara-dillaacsan Isbahaysi Beelo Somaliland Degaa ku Doonayaan inay Hoggaanka Dalka ku Qabsadaan
Hargeysa:July,30,2014(SDN/QJ)-Xildhibaan Cabdiraxmaan Cismaan Caali (Cadbiraxmaan dheere) oo ka mid ah Mudanayaasha Goolaha Wakiillada Somaliland, ayaa ka hor yimi hannaan Beelo ka mid ah kuwa somaliland degaa ay ku doonayaan inay ku samaystaan isbahaysi ay Hogaanka dalka kula wareegayaan.
Xildhibaanka oo u warramay Wargeyska Dawladda ee Dawan, ayaa tilmaamay in siyaasadda lagu raadinayo Habar-magaalenimadu ay tahay wax ay xisbiyada Mucaaridka ee Ucid iyo Waddani ku doonayaan inay dadka ku beerlaxawsadaan.
Waxa kale oo uu intaasi ku daray xildhibaanku, in aanay wax guul ah u keeni Karin talaabadani xisbiyadda mucaaridka ah, isla markaana aanay u soo kordhinaynin magac, sumcad iyo siyaasad toona.
Xildhibaan C/raxmaan Dheere, oo ka hadlayay aragtidiisa shirarka ay mucaaridku wadaan wxa uu yidhi “Anigu arrintaasi waxaan u arkaa, ninka maanta qabyaalad iyo qudhun ku soo hoos meeraysta, dadkana ka doonaya madaxnimo iyo cidii kale ee aan madaxnimaba ka doonaynin ee waxaas wada inay saaqidiin yihiin, oo ay ku dhex-saaqideen siyaasadda dalka.”
Waxa kale oo uu sheegay Md. C/raxmaan Dheer, in aanay wax taageerayaal ah ku kasban Karin shirarka Magaca Beelaha Huwan ee ay axsaabta mucaaridka ahi ka dhex wadaan beelaha Dhexe.
“Umalayn mayo in ay sidaasi taageero kaga heli karaan beelaha, waayo saaqidiin ayay siyaasadaba ka noqdeen, markaa sidee ayay taageereyaal iyo cod ku kaasban karaan. Xisbiyadda waxaynu u samaysanay in aynu kaga gudubno qabyaaladda, markaa ninka haddana maanta dib ugu noqday taasi ee bahashii ka dhex baadhaya beelaha, xaaladiisa samir taagwaa ayaa lagu tilmaami karaa. Markaa u malayn mayo inay u kordhin karayso sumcad magac iyo siyaasad toona” ayuu yidhi C/raxmaan Cismaan Caalin (C/raxmaan Dheere).
Sidoo kale, Xildhibaan C/raxmaan Dheere, in aanay wax suurto gelaya ahayn ururinta beelaha Habar-magaadle ee ay xisbiyadda mucaaridka ahi ku hawlan yihiin, isla markaana aanay hawlahaasi wax guul ah u soo kordhin doonin.
Isaga oo arrintaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Tallaabadan ay wadaan axsaabta mucaaridka ahi guul u soo hoyn mayso, magacan ay sheegayaana heli maayaan ee ay leeyihiin shirkii beesha Habar magaadlaha inay ururiyaan, toban qof oo meel isugu tegay na waxba ma ururiyaan reeraha. waynu ka war haynaa oo reerahan ay leeyihiin waanu isku geynaynaa wax ay ku guulaysanayaan ma aha, waanay ku guul daraysteen taasi, bulshaduna arrintaasi sheekadeedaba ma hayso, malaha iyaga ayuun baa jeclaaday inay waxan wad-wadaan.”
Hormoodka Beelaha Habarmagaado ayaa ku hawllan shirar ay ugu diyaargaroobayaan sidii ay doorashooyinka sanadka dambe lagu wado inay dalka ka dhacaan uga yeelan lahaayeen Mawqif midaysan oo lagu go’aaminayo cidda shanta sano ee dambe dalka gadh-wadeen ka noqon doonta.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com