|

Xil. Maxamed Xuseen oo shaaciyay inuu u sharaxan yahay jagada Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Wakiillada

Hargeysa, 16, Mar 2012 (SDN)- Xildhibaan Maxamed Xuseen Xaaji-Ciise oo ka mid ah Mudaneyaasha Golaha baarlamaanka Somaliland ayaa ku dhawaaqay inuu u sharaxan yahay jagada gudoomiye-ku-xigeenka koobaad ee baarlamaanka Somaliland ee uu baneeyey C/casiis Maxamed Samaale oo madaxweyne Siilaanyo u magacaabay Wasiirka Maaliyadda.

Jagadan banaanaatay ee gudoomiye-ku-xigeenka oo ay u tartami doonaan xildhibaanada golaha wakiiladu ayaa la filayaa inuu ku guulaysan doona musharaxa hela codka kalsoonida ugu badan ee golaha wakiilada iskuna raacaan.

Golaha wakiilada ayaa ah mid ka kooban xisbiyada mucaaridka ah, urur siyaasadeedyada cusub iyo xisbul xaakimka tan iyo intii ay ay isbahaysigii Kulmiye iyo UCID ku doorteen shirgudoonka wakiilada waa markii ugu horeysay ee loo tartamo jago shirgudoon oo banaanaatay

Xildhibaan Maxamed Xuseen oo ah aqoon yahan kana mid ah xildhibaanada qunyar socodka ah sida joogtada ahna uga soo xaadira kalafadhiyada golaha qiimayn shirgudoonku sameeyey waxaana la odhan karaa waa shakhsi ay isku raaci karaan garabyada kala afkaarta duwan ee goluhu ka kooban yahay midayna kara loolanka lafilayaase ma noqon karo mid la saadaalin karo maadaama oo mudanayaal badani ku dhawaaqeen iney u tartami doonaan jagadan.. Golaha wakiilada ee shacabku soo doortay ayaa ha mid baryahan danbe shaqadiisu gaabis tahay saamayn xooganna ay ku leedahay xukuumadda iyo shirgudoonka oo muddo dheer xilka soo hayey.

 Hargeysa

Comments are closed