|

Xil. Maxamed Cali Jibriil oo London Ka soo Qoray Maqaal uu Ku Sababaynayo Maqnaanshihiisa iyo Ballanqaad uu ka haysto Guddoomiye Cirro

London Oct 07,2012(SDN/Hubaal)-Xildhibaan Maxamed Cali Jibriil oo kamid ahaa afartii Xildhibaan ee dhawaan golaha wakiilladu xasaanadii ka qaadeen ayaa ka hadlay aragtidiisa ku wajahan xil ka qaadistaas, isaga oo tallaabadaas ku eedeeyay Masuuliyiin uu Sheeegay inay kamid yihiin Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE oo Adeegsanaya Xildhibaan Nacnac iyo guddoomiye ku xigeenka Golaha Wakiillada Baashe Maxamed Faarax.

Xildhibaan Maxamed Cali Jibriil oo kamid ahaa Mudanayaasha golaha Wakiillada ee gobolka Sanaag uga soo baxay Xisbiga UCID ayaa Qoraal ku deedifaynayo xil ka qaadistaas iyo ballan uu sheegay inuu ka haysto guddoomiyaha wakiilada oo socdaal ku jooga London ka soo saaray magaalada London oo uu sugan yahay ayaa waxa uu kaga warramay sababta uu shaqadii loo doortay ee qaranka uga maqnaa muddo ku siman saddex sanno oo uu Magaalada London Joogay.

Qoraalkaas oo nuqul kamid ahi soo gaadhay Wargeyska Hubaal ayaa waxa isaga oo dhamaystiran uu u dhignaa sidan :

“Waxa golihii wakiilada ee ummaddu soo dooratay hadheeyey caddaalad darro, Eex, hiil, loollan awoodeed iyo nin jeclaysi. Sideedaba JSL waxay samaysatay sharuuc iyo xeerar kala haga oo uu ugu sarreeyo uguna mudan yahay dastuurka qaranka JSL. Dartuurka waxa ka unkama xeerar fara badan oo xeer waliba si gaar ah u qeexayo ama ay ku cad yihiin waajibaad, xaquuqo iyo ciqaabo loogu tala galay in ay sahlaan habsami u socodka dawladnimada iyo kala danbayntu. Hay’adaha dawladu waxay dhammaantood leeyihiin xeer nidaamiye u gaar ah oo ay ku dhisan yihiin, waxa hay’ad kasta ku waajib ah in ay si toos ah ugu dhaqanto xeerka ay ku dhisantahay, dastuurka qaranka u yaal, ixtiraamto dhamaan xeerarka guud ee wadanka ka hirgalay. Golaha wakiilladu wuxu ka mid yahay saddexda dhardhaar ee ay ka kooban tahay dawladda JSL. Wuxuu leeyahay xeer hoosaad cadaynaya waxa golaha waajibaadkiisu yahay, waxa laga rabo xildhibaan kasta iyo waxa uu xildhibaan kastaa xaq u leeyahay. Qodobka 4aad faqraddiisa 3aad ee xeer hoosaadka golaha wakiilada Jamhuuriyada Somaliland ayaa qeexaya in hadii uu xildhibaanku maqnaado 20 kalfadhi oo isku xiga idam la’aan uu waayi karo xubin nimadiisa golaha wakiilada. Wuxu qodobkani u gogol xaadhayaa in xildhibaanka ay ku cadaato in uu maqnaa 20 kalfadhi oo isku xiga idam la’aan la anshax mariyo. Golaha wakiiladu wuxuu leeyahay 8 guddi hoosaad oo guddi waliba u qaabilsan tahay golaha arrimo gaar ah, arrinta anshax marinta waxa qaabilsan guddi hoosaadka joogtada. Waxa waajib ah haddii xildhibaan la anshax marinayo in guddida joogtadu ka doodo, golahana u soo gudbiso go’aankeeda, si goluhu uga doodo uguna codeeyo meel marinta go’aanka gudi hoosaadku soo jeediyeen. Xildhibaan kasta waxa soo doortay dad kumanaan ah, sidaa darteed xil ka qaadistiisu ma noqon karto wax qof iyo laba soo mac-malaan, gola-weynaha uun baa aqlabiyad xil ka qaadistiisa meel marin kara. Haddii kale waxa fududaanaya in uu shir gudoonka iyo cidii dan gaar ah lihiba xildhibaankii aanay jeclaysan xil ka qaadis ku sameeyaan, xildhibaanaduna ay dad gaar ah u xidhnaadaan, taas oo meel kaga dhacay madax banaanida xildhibaanka, sideedaba xildhibaanku maaha shaqaale dawladeed oo markii la rabo la eryi karo.

Hadaba waxay su’aashu tahay:

Goluhu ma ilaaliyey qodobkan aynu kor ku soo sharraxnay?, Ma jiraa xildhibaan maqnaa 20 kalfadhi oo isku xiga idam la’aan?. Waxan halkan ku cadaynayaa in uu goluhu jebibey qodobkan 20kii kalfadhi ee ugu horaysay ee golahu fadhiisto. Waxa jira xildhibaano intii la soo doortay aan golaha maalin ka soo xaadirin, ilaa haddana maqan, waxa laga yaabaa in aad is waydiinay: Maxaa loogu qaadi waayey qodobkan sharciga ah?.

Sida aan ku bilaabay maqaalkaygan golaha wakiillada waxa hadheedhey eex, nin jeclaysi, qabyaalad, maamul xumo iyo cadaalad darro. Waxaynu maqlaynay maalin dhowayd in gudoomiye ku xigeenka golaha wakiilada JSL oo saxaafada (media) ka shaacinaya in uu 4 xildhibaan xubin nimadii golaha wakiilada ka xayuubiyey, sida aan kor ku qeexay waxa cad in xildhibaanku waayi karo xubin nimada golaha wakiillada iyada oo loo raacayo nadaamka uu banaynayo xeer hoosaadka goluhu. Hadaba su’aashu waxay tahay:

  • Ma ku cadaatay dhamaan 4 xildhibaan in ay jebiyeen qodobka 4aad faqraddiisa 3aad ee xeer hoosaadka golaha wakiilada Jamhuuriyada Somaliland oo ay iska maqnaayeen Idam la’an?
  • Ma loo maray xil ka qaadistooda nadaamkii aan kor ku soo qeexay oo ahaa in gudida anshax marintu golaha horkeento soojeedintooda, goluhuna ka dodo, una codeeyo?
  • Yaa sameeyey xilka qaadista gudoomiye ku xigeenku media ka faafiyey?

Anigu waxan ka mid ahay xildhibaanada la yidhi xil ka qaadis baa lagu sameeyey, waxan halkan ku soo ban dhigayaa in aan wadanka ka maqnaa muddo, xilligaa aan maqnaa waxan halkan ku cadaynayaa in idam (fasax) aan ka haystay shir gudoonka golaha wakiillada. Waxan markii hore u fasax qaatay arrimo ii gaar ah, haddana waxan galay jaamacad aan ku dhamaysanayey MSc/PHD. Waan waydiistay shirgudoonku in ay ii ogolaadaan in aan dhamaysto wax barashada muhiimka ah ee aan rabo in aan wadankayga uga faa’iideeyo, waqti aan badnaynina ii hadhay. Waanay iga ogolaadeen.

 

Waxan ka tirsanahay ururka WADANNI ee uu hogaamiyo Guddoomiyahayga Golaha Wakiilladu. Waxa dhacday in aan dhowaan ka qayb galay soo dhowayn heer sare ah oo aanu gudoomiyahayaga  Cabdiraxmaan Cirro ugu samaynay magaalada London ee cariga ingiriiska. Waxay ahayd maalin jimce ah,waxan subaxnimadii sabtidii ku soo kacay war sheegaya in golihiin wakiiladu 4 xildhibaan oo aan ka mid ahay xilkii ka qaadeen. Waan la yaabay, dacaayad ay dad cadow u ah ururka WADANI fidiyeen ayaan u qaatay, waxan wacay gudoomiyahaygii Mr Cirro oo aan arrintii ka waraystay.wuxu gudoomiyuhu ii sheegay in uu warkaa maqlay mar aan fogayn oo  uu afhayeenkii ururku xildhibaan Ibrahim Mahdi Buuba Hargeysa kala soo hadlay oo u sheegay in arrintani dhacday, si qaldana u dhacday, wuxu gudoomiyuhu ii cadeeyey in uu arrintaa isagu baadhayo oo haddii ay jirto uu wax ka qabanayo. Isla sabtidii waxa tv-yada Soomaalida ka soo baxay guddoomiye xigeenkii golaha wakiillada oo sharraxaya sida ay xilka nooga qaadeen iyo in uu warqad u qoray Komishanka  doorashooyinka JSL si ay bedelkayagii u keenaan. Waxan mar labaad waraystay gudoomiye Cirro oo isna mar labaad ii cadeeyey in uu arrinta ka daba tegayo, iina cadeeyey in ay riixayaan rag waaweyn oo ka tirsan xisbiga Kulmiye oo ku xumaynaya isaga (Cirro) iyo ururka WADANI. Baadhitaan baan galay, waxa ii cadaatay raga uu guddoomiyuhu carrabaabay in uu ugu horeeyo guddoomiyaha xisbiga KULMIYE  Muuse Bixi Cabdi iyo guruubkiisu, waxa ii cadaatay in la adeegsaday nin aad u dheereeya oo la yidhaahdo xildhibaan Nacnac iyo gudoomiye xigeenka Baashe Maxamed Faarax oo isna arrinta gobolka Sool iyo Buuhoodle waxba madaxtooyadu ka waydiin wayday oo guurabka dhalin yarada ee ka arrimaya madaxtooyadu la xidheen rag uu ugu horeeyo ninka xagla-toosiye la yiraahdo ee ka soo jeeda buuhoodle. Baashe oo isu arkayey in uu ka mid yahay raga ugu culus ee ka soo jeeda gobolkaas isla markaana Somaliland u daacad ah haddana yarkii SSC laga doortay. Maxaa Muuse Biixi ugu jira erigayaga?.  Mida koowaad aniga shaqsiyan Muuse wuxuu og yahay in aan gobolka sanaag ka soo jeedo oo uu Muuse cadaystay in uu dagaal siyaasadeed ku qaado gobolkaa, sidii uu dhowaan ka dhawaajiyey ee uu ku calaamadiyey reer sanaag dad ku mashquulsan xoola dhicid halka gobolada galbeedku waxbarasho ku mashquul san yihiin, waxa Muuse dhaaftay ninka laygu bedelayaa laftiisu in uu u dhashay deegaankayga, ha ahaado reer hargeysa laakiin sanaag buu yasin cali warsame ka soo jeedaa. Muuse wuxu kale oo debeda ka joogaa madaxtooyadii uu u arkayey in uu isagu kow ka ahaa guushii uu Madaxweyne siilanyo kursiga ku fuulay lagase abaal ka dhacay oo laga soo dhowaystay Cabdiraxmaan ciro iyo ururkiisa, markaa si uu isugu dhufto madaxtooyada iyo ururka Wadani ayaa laba ku ah qisada uu muuse arintan ka lahaa.

 

Maaadama aan wadadii saxda ahayd ama sharciga ahayd arinta loo marin maxaa gudoomiye ciro uga banana? Maadaama oo uu yahay gudoomiyihii baarlamanka in uu wixii baarlamaanku qaldo uu saxo buu xaq u leeyahay, ma saxay oo arintii wadadeedii ma mariyey gudoomiye ciro?

 

 

 

 

Waxa mudan in muwaadinku is waydiiyo in wadankiisa iyo dawladiisu tahay mid cadaali ah ee aanay ahayn mid lagu kala aar goosto oo aan laysla sugin marka fursad laysu heloba in la kala aarsado, laysku xad gudbo. Siyaasada iyo tartanku waa furan yahay laakiin in cadaawad iyo is qabqabsigu bato wax horumar ah oo ay inoo leedahay ma jirto. Ilahay cadaalada iyo xaqa hayna garan siiyo, horumar iyo guul baan Somaliland u rajaynayaa.

 

 

 

Maxamed Cali Jibriil

Mudane ka tirsan Golaha Wakiillada (MP)

London, UK

SDN-London

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed