|

Xil-ka-qaadistii Cago-weyne Oo La Ogaaday Inuu Wasiir Cukuse Sababteeda Lahaa

Hargeysa:May,15,2014(SDN/QJ)-Dadka u Dhuun Daloola sababta keentay xil ka qaadista Agaasimihii Guud ee Hore ee Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Somaliland, ayaa sheegaya in Wasiirka warfaafinta Somaliland oo ay Isku Beel ka soo jeedaan uu Madaxweynaha u Gudbiyey Warar liddi ku ah.

isagooWararka aanu Hayno ayaa intaas ku daraya in Wasiir Cukuse uu ka   cadhooday Saaxiibtinimo iyo Tolliimo dhex taalla Cago-weyne iyo Xasan Guure oo ka mid ah Udub-dhexaadka Tiirarka adage e uu madaxweyne ka  cadhoodo mucaaradadooda, taas oo keentay inuu Wasiir Cukuse Madaxweynaha u Gudbiyo Warar Liddi ku ah Cago-weyne.

Sida la sheegayo wasiir Cukuse ayaa madaxweynaha in badan ku celceliyey inuu Cago-weyne ka waaniyo kana mamnuuco xidhiidhka hoose  ee uu la leeyahay Xasan Guure oo Madaafiic mucaaridnimo ku soo gana Madaxweyne siilaanyo iyo Maamulkiisa, taas oo madaxweynaha Laftiisa Dareen gelisay.

Madaxweynaha ayaa la sheegay inuu il gaar ah kula socday Dhaqaaqa uu sameeyo Cago-weyne iyo xidhiidhka uu Cukuse fashiliyey eek a dhexeeya isaga iyo xasan Guure, waxana ugu dambayntii la sheegay inuu Madaxweyne Siilaanyo ku qancay in xidhiidhkaasi jiro.

Madaxweynaha ayaa la sheegay inuu in badan ugu digay Cago-weyne Xidhiidhka uu la leeyahay Xasan Guure, maadaama  ay maamulkiisu aaminsan yihiin inuu yahay nin ku hawllan duminta iyo Baabi’intaa xukuumadooda, waxana uu ku adkeeyey inuu arrintaas wax ka beddelo,  balse Cago-weyne oo lagu yaqaano hadal caddaani arrintaas dheg uma dhigin.

Sida la sheegayo madaxweyne Siilaanyo Arrinta Halkaas ayuu kaga Hadhay, balse  waxa Daba-galka sii waday Wasiir Cukuse oo in badan Madaxweynaha ku Celceliyey inaanu Agaasimuhu wali ka waantoobin Xidhiidhka ciddii loo diiday, taas oo markii dambe keentay in Madaxweynuhu arrintaas shaki hor leh ka qaado.

Madaxweyne Siilaanyo ayaa ugu dambayntii Garwaaqsaday inuu Cago-weyne Xilka ka Qaado, maadaama oo  ay ku bateen wararka sheegaya in uu cadowgiisa saaxiib dhaw la yahay.

Cago-weyne ayaa si cad madaxweynaha ugu sheegay ka hor intii aan xilka  ka qaadin inaanu waligii yaraynin saaxiibtinimada ka dhexaysa Xasan Guure, taas oo keentay inuu Siilaanyo Qaado Tallaabo uu Dibada uga saarayo Xukuumaddiisa Agaasime Cago-weyne oo Madaxtooyada dhexdeeda looga arkay nin fallaagoobay.

 

SDN/QJ-Hargeysa

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasparanews.com

Comments are closed