Xil Buubaa “Haddii Aad Sharciga Iyo Qawaaniinta Dalka U Yaalla Aad Ku Tumataan, Idinkan la idin Ixtiraami Maayo…”
Hargaysa 02.Dec 2014 (SDN/QJ)- Afhayeenka Xisbiga Mucaaridka Ah ee Waddani Ahna Xildhibaan Ka tirsan Baarlamaanka Somaliland, Ibraahim Mahdi Buubaa, ayaa xukuumada uu gadhwadeenka ka yahay Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) , ugu baaqay in xorriyadoodii loo soo celiyay Gudoomiyaha ururka Jiidali iyo Xubnaha kale ee la xidhina,islamarkaana wuxuu sheegay haddii xorriyadooda loo soo celin waayay in wixii fawdo ah ee halka ka dhac ay xukuumadu dhabarka u ridan doonto.
Buubaa wuxuu sidaa ku sheegay mar uu shalay la hadlay warbaahinta “Xukuumaddu waxay la soo baxday dabeecado ama dhaqano aan hore loogu ogayn,dhaqan ayna lahaan jirin xukuumadihii iyada ka horeeyay, ee Somaliland soo maray, oo ah xidhig, cagojuglayn, hadidaad xadka ka baxsan.Waxaad ka warhaysaan maalmihii u danbaysay inuu gudoomiyihii ururka Jiidali uu ku xidhnaa saldhigga dhexe, muddo ka badan labaatan cisho, ilaa imikana uu xidhan yahay.”ayuu yidhi Ibraahim Mahdi Buubaa wuxuu hadalkiisii sii raaciyay “Waxay xukuumaddu caadaysatay, inay xadhiga u adeegsato inay ku cabudhiso fikirkooda iyo aragtida bulshada reer Somaliland qabaan.Islamarkaana ay kaga leexiso waxyaabihii ay aaminsanayeen.”
Afhayeenku wuxuu sheegay in Guddoomiyaha Jiidali lagu yidhi la shaqee xukuumada oo lacagna qaado “Waxaad ka war haysaan in guddoomiyaha xabsiga laga soo saaray, oo saraakiil bilays ahi ka soo saareen, oo xubno wasiiro ah loo geeyay lagu yidhi la shaqee xukuumadda, lacagna qaado, haanu ku siidaynee.Waxaa kale, oo aad ka warhaysaan in la raaciyay saddex xubnood oo ururka Jiidali ka tirsan, dhamaan dadkaasi sabab alle iyo sabab ay ku xidhan yihiin oo la caddayn karo aanay jirin, aan ahayn caddaalad-darro, cagojuglayn iyo hadidaad ma jirto.”
Sidoo kale, afhayeenku wuxuu ku baaqay in xorriyadooda loo soo celiyo Gudoomiyaha iyo xubnaha kale ee la xidhan “Waxaanu xukuumadda leenahay, oo aanu ugu baaqaynaa in ay sharciga ku dhaqanto, wuxuu dalku dal ku yahay, idiinkuna xukuumad ku tihiin, dadkuna idinku ogolyahay, oo la idinku adeecayaa, waa shuruucad iyo qawaaniinta dalka u taala ku dhaqankiisa iyo distuurka ilaalintiisa.Haddii aad sharciga iyo qawaaniinta dalka u yaalla aad ku tumataan oo aad ixtiraami waydaan, idinkan la idin ixtiraami maayo, Madaxweyne,waxaan cod dheer kuugu sheegayaa Xubnaha Jiidali ee sababta macnadarada,cagajuglaynta iyo cabudhinta ah u xidhan,inaad xoriyadooda u soo celiso.Haddii aad u soo celin waydaan halka wixii dhibaato ka dhacda iyo fowdada ka timaada, waxaa masuul ka noqon doonta idinka.”
Hargaysa SDN/QJ
contact@qurbejoog.com