Berbera:Xiisad Colaadeed Oo Ka Taagan Maxjar Halkaas Laga Hirgelinayey iyo Shirkadda Inadha-deero Oo Dabada Ka Riixaysa Rabshadaha Taagan
Berbera:Nov,04,2014(SDN/QJ)-Wararka aanu ka Helayno magaalada Berbera, ayaa sheegaya in xiisad colaadeed oo sii kordhaysaa ka taagan tahay Goob Shirkado xoolaha dhoofiyaa doonayeen inay maxjar ka dhisaan oo dablay hubayani weerareen.
Warku waxa uu intaas ku darayaa in kooxo kasoo horjeeda Maxjarkaasi ay weerareen goobtii maxjarka laga samaynayey, kuwaas si xooggan u hubaysnaa, waxana ay taasi keentay in xaaladdu shaki abuurto.
Maalintii shalay ayey kooxda Hubaysan oo Gaadiid wadataa soo weerartay Xaruntan la doonayey in Maxjar laga hirgeliyaa, waxana wararku sheegayaan in weerarkas ay dabada ka riixayso shirkadda Inda-deero oo iyadu halkaas ku leh maxjar weyn oo xoolaha lagu caafimaadiyo.
Kooxdan ayaa weerarkooda uu ka dhashay khasaare isugu jiray dhaawacyo ay gaadhsiiyeen ilaa Sadex Qof oo ka shaqaynayey dhismaha laga binaynayey goobtan iyagoo sidoo kalena Burburiyey dhismihii socday, Inkastoo Maamulka Gobolku amar Ku Bixiyay in Lasoo Qabto ragii Falkaa Ku kacay hadana Ilaa hada Cidna Looma soo Xidhin.
Wararka naga soo gaadhaya hadda magaaladda Berbera, ayaa sheegaya in magaaladda laga dareemayo xaalad aad u kacsan, isla markaana leh weji colaadeed, kuwaasoo ay ku hawlan yihiin dhankii ama ganacsataddii maanta hantidooda khasaaraha loo geystay. Iyadoo aad looga dareemayo ciidamadda amaanka oo guddaha magaaladda aad loogu soo daayey si ay uga hortagaan wixii kasta dhibaato ah ee mar kale ka dhaca goobtan, waxaana magaaladda Berbera xalay gaadhay wefti uu hogaaminayo Wasiirka Arimaha Gudaha soamaliland, kaasoo ujeedada safarkiisuna la xidhiidho sidii uu wax uga qaban lahaa dhibaataddan xambaarsan kacsanaanta ee ka taagan Berbera, waxaana shacbiga reer Soamliland aad isha ugu hayaan waxa uu ka qabto dhacdadan la yaabka leh ee dalka ku cusub.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com