Xiisad Colaadeed Oo Ka Aloosan Deegaanka Sool, Ciidamada Puntland Oo Dhoola-tus Sameeyey, Somaliland Oo Hore U sii Socota iyo Maleeshiyada Khaatumo Oo isu Habarwacatay
Holhol:April,26,2014(SDN/QJ)-Waxa uu dhaqdhaqaaq ciidan oo xooggani ka jiraa Deegaanada Gobolka Sool, gaar ahaan Goobaha ku dhaw Xuduudda U Dhaxaysa Somaliland iyo Puntland oo labada dhinac ay iskaga soo dhawaadeen.
Wararka ay helayso Qurbejoog.com ayaa sheegaya in ciidanka Maamul-Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa maalintii shalay Aagga ay ku sugan yihiin ka sameeyeen Dhoolotus ballaadhan oo la xidhiidha u diyaargarawga ruqaansiga kaga imanaya Cidanka qaranka Somaliland.
Ciidamada Dhoollatuska Sameeyey ayaa ku Gooddiyey inay Dagaal qaadi doonaan, iyagoo ka soo horjeedda Tallaabada ay ciidanka somaliladn kusoo xidhayaan xuduudahooda maqan.
Sidoo kale ciidanka qaranka Somaliland oo aan dheg jalaq u siinin dhawaaqa Puntland ayaa sii wada inay ku fidaan xuduudaha gacantooda ka maqan, waxana ay fadhiisimo ka sii samaysanayaan Deegaano horleh oo aanay hore u joogi jirin , waxana ay taasi cabsi ku abuurtay ciidanka Maamulka Putland oo dhoolotus miciinsaday.
Maleeshiyada Khaatumo oo iyagu ku sugan Magaalada Taleex ayaa qaylo-dhaan ka soo diraya Goobaha ay joogaan, waxana ay si gaar ah ugu qayshanayaan Ciidanka Puntland oo ay hore u sheegteen inay ka Go’een.
Cali Khaliif Galaydh oo isagu Taleex ka abaabulaya shir Beeleed ayaa cabsi badani soo wajahday, waxana uu sheegay inuu diyaar u yahay inuu difaac ka galo Taleex oo uu ku sheegay Magaalo madaxda Khaatumo.
Somaliland ayaa u muuqata inay ka Go’an tahay inay xuduuddeeda Sugto, waxana ay ciidamadeedu si nabadgelyo ah ugu sii fidayaan Dhinaca bari ee Gobolka Sool oo markii horeba aanay cidi joogin.
Lama garan karo wax aka dhalan kara Dhawaaqa Puntland ka soo baxaya iyo tallaabooyinka ay somalilannd Xuduudeeda ku suganayso, waxase la hubaa in ciidanka qaranku aanay Maanta ka soo noqon doonin Goobaha ay Gaadheen.
SDN/QJ-Hargeysa