Xidhiidhka ka dhexeeya Farxadda iyo Shaqada?
Maalmuhu maaha qaar taagan, saacadduna maaha mid joogsanaysa, waxa taas tusaale u ah cadceedda socota ee inta ay subixii soo baxdo casarkii dhacaysa. Miyaad aragtay maalin ay cadceeddu joogsatay oo ay socodkii daysay? Ma se aragtay maalin ay waqtigeedii ka dib dhacday?
Su’aalahaasi waxa ay hordhac u yihiin farriin aan jeclaaday in aan kuu soo diro akhriste! Maalin ayaad dunida timi, maalinna waad ka tagaysaa, labadaa maalmood inta u dhaxaysa ayaa kuu bannaan in aad ku muujiso kartidaada, isbaddalkaaga iyo fikirkaaga aad kaga tagi doonto adduunka, maalinta aad god gashana lagugu xasuusan doono.
Dad ayaa uu magacoodu maanta ka dhexmuuqdaa dunida aynu ku noolnahay laakiin jidhkoodu wuu ka tagay mar hore! Dadna magacooda iyo muuqooduba isaga oo jooga ayaa ay yartahay saamaynta ay ku leeyihiin deegaankooda! Subxaanallaah! Bal u fiirso hareerahaaga iyo waxa ka dhacaya! saamayn intee leeg ayaad u leedahay in aad wax ka baddali karto? Awood In tee leeg ayaad u leedahay ka ciyaarista door muhiim ah iyo go’aan qaadashada xaaladaha noloshaada? Bal is waydii, waqtiga iyo sida aad ku tahay? Ma ka faa’iidaystaaa hadii ay xaalad fursad ku soo marto oo ma u aragtaa in aanay dib kuu soo marayn?
Waxa laga yaabaa in aad maalin kasta naftaada ugu sheekayso: berri (the day after today) ayaad qaban doontaa hadii ILAAHAY yidhaa! Laakiin berri da aad sugaysaa miyaanay noqon karin wax aan suurto gal ahaynba? (Maybe tomorrow could be never) Oo ay ajashaadu ka soo horraysaa! Wax aad samaysataa qorshe aad ku suurto galin karto awooddaada waxqabad, maantana ka dhig waqtiga aad u qorshaysay in aad bilawdo hawlaha in badan kugu biiray ee aad la sugayso waqtiga soo socda.
Tusaale ahaan, waxaynu nahay dad bani’aadam ah, dambiguna waa shay dabeecad u ah bani aadamka. Waxa uu ILAAHAY inoo furay albaabka toobbadda oo furan markasta! Bal qiyaas fursaddaasi intay leegtahay? Aan kuugu celiyo hadalkaa aan hore u xusay; albaabka toobaddu wuu furan yahay markasta! Se Waxa uu xidhmayaa waqti soo socda; waa laba jeer; marka ay cadceeddu ka soo baxdo halkii ay ka dhacaysay iyo marka ay waqtigaaga gaadho ee ay naftaadu soo gaadho cunaha! Waxa Is waydiin leh markaas ma ku talo galnaa in mar uun waqtigu innaga dhammaan doono adiga iyo anigaba oo aanay sii jiri doonin waqti aad toobad keento dibna uga laabato qaladaadkii aad ka gashay ILAAHAY, naftaada, iyo makhluuqqa kaleba?
Waxa taas la mid ah hawlaha iyo qorshayaasha nololeed ee aynu dib u dhigayno maalin kasta, waqtiga ayaa ah hantida kali ah ee aad haysato, maahmaah ayaa odhan jirtay “Time is Gold”, “Watigu waa dahab”, Shakhsiyan waxaan u arkaa inay qalad tahay maahmaahdaasi, waayo waqtigu wuu ka qaalisan yahay dahabka, dahab waad heli kartaa oo waad iibsan kartaa laakiin waqti dheeraad ah daqiiqadna ha ahaatee ma heli kartid oo ma iibsan kartid.
Dib u jalleec carruurnimadii iyo waayihii yaraanta, wixii aad ku mashquulsanaan jirtay (ciyaar, sheeko, xaraabaysi), waxay u badnaayeen wax waqtiga kaa luminaya ama aan kugu kaalmaynayn fikirka saxda ah, waxa laga yaabaa in aad tidhaahdo marmar; markaan yaraa haddaan sidaa wax odhan lahaa ama aan waxaa samayn lahaa? Dareensii nafta in waxa aad yaraantii soo samaysay uu yahay ka halkan ku soo gaadhsiiyay, waa run waqti waliba waayihiisa iyo wacdarihiisa wuu wataa laakiin xikmaddu waxa ay ku jirtaa sida aad ugala hadho waqti waliba casharka uu wato.
Akhriste, Halkaan doonayo in aad ila aragtid waa halkan – “Waqtigan xaadirka ah ka soo qaad in uu yahay waqtigii ugu saxsanaa in aad wax ka qabato wixii khaldamay ama ku seegay”!
Nin carab ahaa oo gabay ku cabbiray dareenka xeesha dheer leh ee koobsanaya da’da iyo khibradda ay leedahay qiyaasta yaraantiisii iyo sida uu u jeclaan lahaa in mar uun uu booqan lahaa garoonkii carruurnimo ayaa wuxuu yidhi: “ALLA miyay mar uun yaraantii igu soo noqoto si aan ugu warramo waxa ay igu samaysay cirradu”! waa halka ay soomaalidu tidhaa: “nin yari intuu geed ka boodo ayuu talo ka boodaa”.
Macallimiintu waxay ku baraan aqoon aanad ka helayn goobaha fadhi ku dirirka, Da’du ama khibradduna waxay ku bartaa casharro aan lagu baran goobaha waxbarashada, laakiin caqliga saxda ah iyo adeegsiga qumman ee waqtigaaga ayaa ku bari kara aqoon ay yartahay ama aanay jirin meel aad ka helaysaa!
Ka jawaabista su’aalaha aad maalin kasta is waydiisaa waxa ay si toos ah ugu xidhantahay ka faa’iidaysiga, qorshaynta, ku talogalka,iyo wax ka qabashada waqtiga uu ILAAHAY kugu mannaystay ee qaaliga ah.
Dardaarankaygu wuxuu yahay; kaliya ha mashquulin ee ku mashquul wax adduunyadaada iyo aakhiradaadaba u wacan oo aan kugu hoggaaminayn meel daran. Waxaanad ogaataa isla waqtiga aad dhammaystirto hawl ku sugaysay ama shaqo kuu taallay in aad dareemayso farxad nafsi ah oo xeeldheer (deep happiness), taa ka soo horjeedkeedana hawlahaagu haddii ay kugu biiraan oo aad wax ka qaban waydo, micnaha hadii waxqabadkaaga jawaab celineed uu ka yaraado hawsha ku taalla waxa aad dareemaysaa in aad tahay qof faashil ah.
Cabdiraxmaan Cabdillahi Saciid
Germany255@hotmail.com