Xiddigga Reer Ivory Coast Didier Drogba Ayaa 5-an Cusbitaal u Dhisaya Dalkiisa.By Jaahuur.
Ivory Coast-Abdijan-July-14-2013-qurbejoognews.com-Ottawa- Akhyaartay qormadeena ciyaaraha waxaynu maanta ula haajireyna xagaa iyo Galbeedka Afrika Ivory Coast oo xiddigoodu Didier Drogba u dhisayo Cisbitaalo (Hospitals).
Warkan oo ka soo shaac baxay Abidijan ayaa xiddigan kubadda cagta ee caalimiga ah ee reer Ivory Cost Didier Drogba ayaa waddankiisa ugu deeqey inuu u dhiso 5-an Cusbitaal oo 5-an magaalo kala ah sida, Abidijan,Yomoussoukro,Man,Korhoga,iyo San Pedro.
Haddaba Laacibkan reer Ivory Coast Drogba oo la soo kifaaxay Naadigigiisii hore ee Chelsea ayaa hadda u ciyaara naadiga faca weyn ee carigaa Turkiga Galatasaray,waxaana ka go’an Drogba inuu dalkiisa ka caawiyo xagga Cafimaadka bacdamaa uu soo marey dagaal ahli ah 2011-kii.
34-jirkan Drogba ayaa Cusbitaaladan uu ka dhisayo waddankiisa ayaa ku baxaysa lacag dhan $5-Malyan oo doolar,runtiina waa geesi u soo gurmadey dalkiisa.
Waddankan Ivory Coast ayaa ku yaala Galbeedka qaaradda Afrika,waxaana ku nool dad gaadhaya 22-an Milyan,wuxuuna soo saaraa COCOA %40,laakiin waa waddan uu la hadhey faqiirnimo halkii qofna wuxuu quutaa $2 dollar maalintiiba.
Waxaana mudan in qof kasta oo Soomaali ah oo karikaraya inuu dalkiisa wax u tari karayo uu ku deydo geesgaas oo kale.
W/Q Jaahuur
qurbejoognews.com