|

Xiddiga Da’da Yar ee Reer Brazil (Neymar Da Silva Santos Junior) Xageebuu Ka Soo Farcamey?(By Jaahuur)

Mog-Das- Cruzes-Brazil-June-2nd-2013-qurbejoognews.com-Ottawa-Akhyaartay faaqidaadeena ciyaaraha waxayn ula kacaynaa xaggaa iyo carigaa Brazil oo aynu ku eegeyno xiddiga d’ada yar ee reer Brazil (Neymar Da Silva Santos Junior).

Neymar Da Silva Junior wuxuu ku dhashey Mog Das Cruxes Brazil Sannadkii February- 05-1992, sida aynu wada ognahay Neymar waa ciyaaryahan reer Brazil ah wuxuuna ka soo ciyaaray La Liga naadiga Fc Barcelona iyo xulka qaranka ee dalkiisa Brazil (Forward).

19-ban jirkiisii wuxuu ku guuleystey sannadkii 2011-an ciyaaryahanka qaaradda waqooyiga Ameerika,waxa kale oo loo magacaabey abaalmarinta Fifa Ballon D’Or sannadihii 2010- halka uu kaalinta 10-aad ka galey,isla sannadahaas wuxuu ku guuleystey Abaalmarinta (Fifa Puskas Awards).

Xiddigan ayaa faraha looga gubtey marka uu ku xaragoonayo kubadda siiba marka uu kulanka ciyaarayo xagga goysmada,dribbling,orodka(Speed) iyo dhameystirka,ilaa iyo hadda waxaa u aqoonsadey inuu yahay  laacib aan la dhayalsan Karin miidiyaha,iyo ciyaaryahanada aduunka siiba Lionel Messi iyo boqorkii kubadda cagta ee aduunka Pele,

Neymar wuxuu sannadkii 2003 ku biirey Naadiga faca weyn ee Santos,kulano badan ka bacdi kuna guuleystey horyaalka Campeonato Paulista.

Laacibkan da’da yar ee 21-tan jirka ah Naymer ayaa naadiga Fc Barcelona ku iibsatey 5-million oo Giniga Ingiriiska ah,June 30-na 2013 -wuxuu ku guuleystey (Fifa Confederation Cup Final) Markii 3-0 ku khaarijiyeen  Xulka Spain ee bal aynu aragno waxuu ku soo kor dhiyo Barcelona.

W/Qorey Jaahuur

qurbejoognews.com

jjaahuur@hotmail.com

Comments are closed