|

Xerada Qaxootiga ee Cadoow Doolo ee Itoobiya oo noqotay ta labaad ee dunida ugu weyn

Cadow Doolow Nov 21,2012(SDN)-Soomaalida ku nool xerada qaxootiga Cadow Dollow ee dalka Itoobiya ayaa gaaray heer ay ku noqoto ta labaad ee dunida ugu dadka badan ka dib kolkii tirada dadka halkaa ku nool ay gaareen 170 000 oo ruux, sida ay xaqiijisay Ha’ada Qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobay ee (UNHCR).

In kasta oo dadka xeradaa gaarayay dhawaanahan uu hoos u dhac ku imanayay hadana xeryaha kale uu Soomaalida dalkaa looga dhisay ayaa waxa gaaray dad qaxootiya oo Soomaaliya ka tegay.

Intii ka danbeysay bilawgii sanadkan ayaa waxa dalalka jaarka waxa u qaxay dad Soomaali ah oo ay QM ku sheegtay ilaa 60,000 oo ruux.

Ku dhawaad kala bar dadkaasi waxa ay u qaxeen dalka Itoobiya,taas oo dalkaa ka dhigeysa dalka qaabila tirada qaxootiga Soomaalida ugu badan.

Qaramada Midoobey ayaa sheegtay in sababaha ugu badan ee Soomaalidu dalkooda uga tegeyso in ay tahay Abaaraha iyo colaadaha ka socda bartamaha iyo Konfurta Soomaaliya.

QM ayaa sidoo kale sheegtay in Soomaalidu ka yaaceyso kooxda Al Shabaab ee xiriirka la leh Al Qacida oo dooneysa in ay caruurtooda u qororto ciidamadooda.

Dawlada Itoobiya oo kaashaneysa Qaramada Midoobey ayaa lagu wadaa in ay dhisaan xeradii lixaad oo loo dhisayo Qaxootiga Soomaaliada.

Xerada oo lagu wado in laga dhiso meel ilaa 60km u jirta ayaa ku kici doonto ilaa $1.5 million oo dollarka Mareykanka.

Sida ay sheegtay UNHCR Soomalaiya waa dalka dunida dadkiisu mudada ugu dheer ay ku jiraan Qaxootinimada iyada oo dadkiisu sadex meeloodoo meel ay qaxooti dalkooda iyo dibedaba ay Qaxooti ku yihiin.

SDN-Adis Ababa
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed