|

Xeerka Wada Shaqaynta Baarlamanka oo Gudida Shuruucda ee Golaha Guurtida loo Xilsaaray

Hargaysa 11.Jan 2014 (SDN)- Fadhigii maanta ee Golaha Guurtida J.S.L oo uu shir gudoominaayey Gudoomiyaha Golaha Guurtida Md:Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa ku wargeliyey Guddi hoosaadyada joogtada ah inay soo diyaariyaan warbixinahoodii ,si ay Golaha warbixin uga siiyaan howlahooda uu Goluhu u igmaday,

golaha GuurtidaGudoomiyaha Golahaasi ayaa si rasmi ah ugu wareejiyey Guddida shuruucda ee Golaha Guurtida  Xeerkii Barlamaanka ee wada shaqaynta labada Gole ,si ay Guddidu  isku soo dabo ridaan Golahana horkeenaan sabtida soo socota .

DHinaca kale Gudoomiyaha  Golaha Guurtida Md saleebaan Maxamuud aadan waxa uu u sheegay Guddi hoosaadyada kala ah Siyaasadda iyo xidhiidhka caalamiaga ah,Guddida nabadgalyada iyo Difaaca  iyo Gudida arrimaha Bulshada inay warbixinadahooda soo diyaariyaan si ay Golaha warbixin uga siiyaan howlahooda , ,Goluhuna wuxuu Gudo galay fadhi xidhan oo ay saxaafaddu dibada ka ka joogtay.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

 

 

Comments are closed