|

Xeerka Doorashooyinka dalka oo la ansixiyay

Muqdisho August -09, 2024(QJ) Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii todobaadlaha ahaa, waxaana kulankan shir guddoominayay Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre. Kulanka ayaa intii uu socday waxaa looga hadlay dhowr qodob oo muhiim ah.

Waxay ansixiyeen laba sharci oo muhiim ah oo kala ah: Sharciga Doorashooyinka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Sharciga Axsaabta iyo Ururrada Siyaasadda, kaasoo lagu maamuli doono hannaanka doorasho ee dalka.

Labadan sharci oo ay ansixiyeen Golaha Wasiirada ayaa la filayaa in ay hagaan hanaanka doorasho ee dalka, isla markaana ay shacabka Soomaaliyeed u suurtagelinayaan in ay soo doortaan Hogaamiyeyaasha Qaranka doorashada soo socota.

Afhayeenka dowladda Farxaan Jimcaale ayaa intaa ku daray in sharciyada cusub ee la ansixiyay ay dalka uga raari doonaan hannaankii hore ee doorashada dadban oo muddo dheer laga soo shaqeeyay Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hiigsanaya hirgelinta nidaamka doorasho ee hal qof iyo cod ah, iyadoo wax ka yar labo sano ay ka harsan tahay maamulkiisa. Si kastaba ha ahaatee, qorshihiisa ayaa mucaaradad badan kala kulmaya siyaasiyiin badan oo u arka inay tahay mid uu ku kordhin karo xilka uu hayo.

Comments are closed