|

Xeerka Booliska Somaliland oo wax ka bedel lagu sameynayo

Hargeysa April 18,2012(SDN)-Wasiir ku xigeenka amniga ee Wasaarada Arrimaha Gudaha Mudane C.laahi Abokor Cismaan ayaa Maanta ka qayb galay shir hawleed lagu samaynayay wax ka badal iyo kaabis ku wajahan Xeerka booliska Somaliland kaas oo ka furmay Huteelka Imperial ee Caasimada Hargaysa.

Shirkan waxaa kale oo ka soo qayb galay madax iyo mas’uuliyiin ka kala socday Wasaarada Arrimaha Gudaha, Saraakiisha Ciidamada Booliska iyo Ilaalada Xeebaha  iyo Madaxda hay’ada Undp .

Wasiir ku xigeenka amniga ee Wasaarada Arrimaha Gudaha Mudane C.laahi Abokor Cismaan oo halkaasi ka hadlay ayaa tilmaamay in ciidanka booliska somaliland ay ilaa 1994-kii ay ku shaqaynayeen Wareegto maadaama aanu jirin ayuu yidhi Xeer si cad u qeexaya waajibaadka saaran ,wasiir ku xigeenka amniga ee wasaarada arrimaha guduhu waxa uu sheegay in xeerkan oo ay dhawaan horgayn doonaan Golaha Wasiirada si markaas kadib loogu gudbiyo Golaha Wakiiladu uu muujinayo In Somaliland ay leedahay laba ciidan boolis oo u kala baxa mid bariga ah iyo mid bada ah.

Mudane C.laahi Abokor Cismaan waxa uu intaas ku daray in ay daruuri tahay sidii loo yarayn lahaa xadgudubyada ka  yimaada dhinaca booliska isla markaana aqoontooda kor loo qaado.

Sidoo kale Madaxa Dib u habaynta booliska Abshir C.laahi oo halkaasi hadal ka soo jeediyay ayaa sheegay in kulankan lagu soo gabo gabaynayo qorshe soo taxnaa mudo laba sannadood ku siman, kaas oo nuxurka laga leeyahay ay tahay ayuu yidhi mas’uulkani sidii loo qabyo tiri lahaa xeer ay yeeshaan Ciidanka booliska oo xudun xidh u noqda gudashada waajibaadka ka saaran dalka iyo dadkaba.

Madaxa dibu habaynta Ciidanka Boolisku waxa uu intaas ku daray in sababata uu mudada intaas le’eg u qaatay lafo gurida xeerkani ay salka ku hayso  sidii uu u noqon lahaa mid mustaqbalka fog dalka anfaca.

SDN-Hargeysa

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed