Xeerbeegti Minneapolis oo nin Soomaaliya ku helay in uu gacan siiyay dhalin Al Shabaab ku biirtay
Minneapolis Oct 19,2012(SDN)-Xeerbeegti dhegeysaneysay dacwad lagu soo oogay nin Soomaaliya oo looheystay in uu gacansiiyay koox dhalina oo Minneapolis ka tagatay oo Shabaabka ku biirtay.
Maxamuud Siciid Cumar oo 46 jir ah ayaa lagu helay danbi ah in uu gacan siiyay dhalin Soomaali ah oo Minneapolis oo Soomaaliya tegay kana soo dagaalamay.
Maxamuud ayaa sidoo kale tegay Soomaaliya aduuna ku bixiyay hubeynta dhalinta Soomaaliya u jihaad tagatay.
Maxkamada o socotay sadex todobaad ayaa waxa ka hor hadlay dhawr ka mida dhalintii tagatay Soomaaliya qaar ka mida oo dib u soo noqday.
Sidoo kale waxa maxkamada ka hor markhaati furay saraakiil ka tirsan ciidamada FBIda oo baaritaanada sameeyay.
Dhalin yaro Soomaaliya ayaa 2007dii isku urursaday masjid ku yaal Minneapolis ka dibna qorsheeystay in ay dalkii u jihaad tagaan.
Ilaa 20 dhalinyaro ah ayaa tegay Soomaaliya,dhawr soo noqdey mooyaane intii kale waxa la aaminsan yahay inay geeriyoodeen.
Maxamuud Siciid Cumar ayaa ay suurtogal tahay in uu xabsi daaim ku muteysto denbigan lagu helay.
SDN-Minneapolis
contact@somalidiasporanews.com