Xeer Ilaaliyihii Gobolka Sool oo Laascaanood lagu dilay
Laascaanood, 23, June 2012 (Qurbejoog)- Alle ha u naxariistee waxa caawa fiidkii lagu khaarajiyay Magaaladda Laascaanood ee xarunta gobolka Sool Xeer Ilaaliyihii gobolka Sool Axmed Xaaji Maxamuud (Dhunkalax).
Sida ay wararku sheegayaan Axmed Xaaji Maxamuud, waxa dilay koox dablay ah oo la sheegay inay ku hubaysnaayeen baaskoolado, iyadoo la sheegay in Xeer ilaaliyaha ay kooxdaasi madaxa ka toogatay..
Alle ha u naxariistee Marxuum Dhunkalax ayaa waxa kooxdan dablayda ahi toogteen isaga oo ku sii jeeday gurigiisa, ilaa haddana lama garanayo cida ka dambaysay dilkiisa.
Waxaanay intaas wararku ku darayaan in ciidamada ammaanku baadhis ku wadaan ciddii ka dambaysay dilkan.
Qurbejoog, Laascaanood