Xeer ilaaliyaha Guud muxuu ka yidhi dibu-dhaca maxkamadaynta saddexda Masuul ee musuqmaasuqa lagu eedeeyay?
Hargeysa, 16, April 2012 (SDN)- Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Somaliland Axmed Xasan Aadan ayaa sheegay inaan dacwad been abuur ah loo samayn masuuliyiin musuqmaasuq u xidhan oo saaka maxkamadda gobolka la horgeeyay, isla markaana waxa uu difaacay oo uu sababeeyay dibu-dhaca ku yimi maxkamadaynta masuuliyiintan.
“Sharcigu wuxuu siinayaa xeer ilaalinta ama booliska baadhista wada in muddo dhan 45 cisho lagu dhamaystiro dacwada, qoladana waxaan filayaa inay bil xidhnaayeen, markaa lama dhaafin waqtigii uu sharcigu siinayay, lagumana xadgudbin.” Ayuu yidhi Xeer ilaaliyuhu.
“Ma jiro gal-dacwadeed la bedelay, xeer ilaalintu laba awooddood ayay leedahay, in kiiska sidii ay boolisku ku soo gudbiyeen maxkamadd loogu gudbiyo iyo inay dib ugu celiyaan booliska ama inay kiiskaba xidhaan.” ayuu yidhi xeer ilaaliyaha guud ee qaranka Somaliland Axmed Xasan Aadan oo warbaahinta kula hadlay maxkamadda gobolka.
SDN, Hargeisa