|

Xayiraad Caalami ah Oo La Saaray Hoggaamiyaha Cusub ee Ururka Al-shabaab

New York:Sep,26,2014(SDN/QJ)-Jimciyadda quruumaha ka dhaxaysa ayaa xayiraad saartay Hoggaamiyaha cusub ee ururka Al-shabaab ay dhawaan doorteen oo aan hore loo aqoonin.

heeoGuddida gaarka u ah Ammaanka ee qaramada midoobay, iyagoo tixraacaya qaraaradada 751 ee soo Baxay 1992 iyo 1907 iyo 2009 ee kusaabsan walaaca Somalia iyo Eretria, waxa uu go’aamiyay in hogaamiyaha cusub ee Al-shabab sheikh Ahmed Diiriye Abuu cubeydah lagu daro liiska raga aduunka ee ay xayiraadu saarantahay iyadoo laga macnuucayo ,socdaalka ,hantidiisa oo laxanibayo iyo saanadiisa milatari oo la badhtilmaameedsanayo.

Sida ku xusan farqada 1,3 iyo qaraarka 7 ee soo baxay sanadkii 1844 lana cusbooneysiiyay 2008 iyo farqada 43 ee qaraarka tirsigiisu yahay 2093 soona baxay sanadkii 2013 ee axdiga qaramada midoobey” ,ayaa lagu yidhi warka kasoo baxay golaha amaanka ee qaramada midobey.

Hogaamiyaha Al-shabab oo leh magacyada kala ah : Sheikh Mahad Omar Abdikarim iyo sheikh Ahmed cumar abu cubeyda ayaa waxaa uu dhashay sanadkii 1972 waxaanja 6 september afhayeenka xarakada Al-shabab sheikh ali dheere uu kudhaawaqay in ahmed cumar uu noqonayo hogaanmiayaha cusub ee Al-shabab kadib Ahmed Godane oo mareykanku duqeyn uu kudilay.

 

Hore golaha amaanka ee qaramada midoobay ayaa xayiraad u saaray saraakiil Al-shabab katirsan oo iskugu jira ajaanib iyo Somali.

 

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

 

Comments are closed