|

Xatooyo lagu sameeyay Xafiiska Laanta Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya

Muqdisho Feb 25 2013 (SDN)– Xafiiska taliyaha laanta socdaalka jinsiyada soomaaliya Janaraal Cabdilaahi Gaafow maxamuud ayaa la sheegay in xalay lagu sameeyay falxatooyo ah.

Warar hoose oo la helayo ayaa sheegaya in xalay xafiiska talitaha laanta socdaalka iyo jinsiyada oo ku dhax yaala gudaha garoonka diyaaradaha Aadan Cade international airbort xili habeen bar ah loo gacan dhaafay .

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in xafiiska laga xaday lacag tiro badan oo cadad ahaan kabadan boqol kun oo doolar sidoo kalana la qaatay xogtii ku jirtay computarada xafiiska yaalay.

Arintaani si weyn looma soo shaacbixin maantana meysan saameyn howshii garoonka laakiin gelinkii danbe ee maanta ayaa xarunta hayaā€¯ada danbi barista ee CID waxa looga yeeray oo lagu xiray dhowr kamid ahaa shaqaalihii garoonka ka shaqeynayay oo qaarkood xiran.

Saraakiisha socdaalka gaar ahaan taliyaha laanta socdaalka iyo jinsiyada hanaraal calaahi gaafow maxamuud oo aan isku deynay inaan laxiriirno nooma aysan suura galin sababo la xiriira taleefoonka oo aan laga jawaabeynin.

SDN-Muqdisho

Comments are closed