|

Xatooyada Shaqaalihii Loo Qaadanayey Diiwaangelinta Dadweynaha Oo Bilaabantay iyo Warwarka Ardaydii Xaqa u Lahayd Oo Cirka isku Shareeray

Hargeysa:April,28,2014(SDN/QJ)-Kadiba markii ay Guddida Farsamo ee Madaxweynuhu u magacaabay Dhamaystirka Hawsha Diiwaangelinta Dadweynuhu ku dhawaaqeen in la qaadan doono Tiro shaqaale ah oo ku dhaw 600, oo qof, ayey Masuuliyiinta Dawladdu Bilaabeen inay  tartan u galaan sidii ay shaqaalahaas  cid gaar ah uga dhigan lahaayeen.

hecoInkastoo ay Guddida Hawshan Gacanta ku haysaa shaaciyeen in Ardayda Jaamacadaha, gaar ahaan kuwa Aqoonta ICT-ga Takhasuska u lihi ay hawshaas geli doonaan, haddana waxa  socda Qorshe kaas ka duwan oo wasiirro iyo masuuliyiin kale oo dawladda ka tirsani ku carqaladaynayaan iyagoo  rucle ugu jira sidii ay shaqaalaha gacanta ula geli lahaayeen, isa-markaana ay doonayaan inay  shaqaalaha qaybtooda si hoose u qaataan.

Shaqaalahan oo laga qaadan doono dhammaanba Degmooyinka iyo Gobolada Somaliland, ayaa wax aka socdo Hawlo lagu  marin Habaabinayo nidaamka shaqaalaha loo dejiyey, waxana masuuliyiin badani bilaabeen inay si hoose u gudbiyaan CV-yada dad gaar ah oo ay iyagu wataan, taas oo xagal-daacinaysa caddaaladdii iyo daah-furnaantii la doonayey in lagu maamulo arrintan.

Sidoo kale waxa xarumaha Wasaarrada Arrimaha Gudaha oo saldhig u ah Shaqaalaha la qaadanayso isla-markaana ay Guddidani hoos timaado lagu arkayey Masuuliyiin iyo Wasiirro xukuumadda ka tirsan oo wata dad ay doonayaan in loo shaqaaleeyo.

Musuqa ugu weyn ee Somaliland ka dhaca marka laga yimaaddo xadidda Hantida umadda, waxa uu ka dhaca Qaabka loo qaato shaqaalahha Dawladda, iyadoo si fudud loo qaybsado waxkasta oo soo kordha oo shaqaale ah, waxana ay taasi dhibaato weyn ku tahay Da’yarta Jaamiciyiinta ah oo khaati ka jooga Shaqaalaha Hoosta laga qaadanayo ee masuuliyiinta Dawladdu wadaan.

SDN/QJ-Hargeysa

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiaporanews.com

Comments are closed