|

Xasan Sheekh: Waxaa loo baahan yahay wada shaqeyn dhexmarta Xukuumada iyo Barlamanka

Muqdisho May 24 2013 (SDN)– Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in loo baahanyahay wada shaqeyn dhex marta Xukuumadda iyo Baarlamaanka Federaalka si buu yiri culeyska dalka ka jira wada loogu dhameeyo.

Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale tilmaamay in culeyska jira qof ama koox kaliya aysan wax ka qaban Karin, sida kaliya ee wax looga qaban karaana ay tahay in la muujiyo isku duubnaan, isagoona xusay madaxweynaha muhiimad weyn in ay leedahay wada shaqeyn dhex marta Xukuumadda iyo Baarlamaanka Federaalka.

Xukuumadda iyo Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya wada shaqeynta ka dhaxeysa ayaa maalmihii dambe ahaa mid mugdi laga dareemayo oo wada shaqeyn la’aani jirto, ayadoona dhawaan qaar kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka ay Mooshin ka gudbiyeen Xukuumadda uu hogaamiyo Dr. Saacid wallow markii dambe Mooshinkaasi uu fashilmay.

SDN-Muqdisho

Comments are closed