Xasan Sheekh oo xulofo doon u tegay Qaahira
Qaahira January 20, 2024 (QJ) -Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdigii la socday ayaa gaaray magaalada Qaahira ee xarunta dalka Masar. Waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Masar.
Xasan Sheekh Maxamuud ayaa casuumaad rasmi ah ka helay dhiggiisa dalka Masar, C/fataax Al-sisi, waxaana la filayaa in labada mas’uul ay kulmaan dhawaan.
Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadli doona xaaladda gobolka iyo danaha guud ee Soomaaliya iyo Masar, iyagoo si gaar ah diiradda u saari doona khilaafka iyo farogelinta itoobiye ee Soomaaliya iyo xoojinta xiriirka taariikhiga ah iyo iskaashiga mug leh ee ka dhaxeeya labada dal.
Booqashada Madaxweynaha Soomaaliya uu ku tagay dalka Masar ayaa ku soo beegantay iyadoo ay cirka isku sii shareereyso xiisadda colaadaha isu bedeli kara ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya, kuwaasoo ka dhashay heshiiskii Addis Ababa ku dhexmaray Abey Axmed iyo Madaxweynaha xilka mudo dhaafka ku jooga ee Somaliland.
Masar ayaa si weyn u taageerta Soomaaliya, gaar ahaan marka la eego heshiiskii is-afgaradka ahaa ee lagu saxiixay Addis Ababa, kaasoo saameynaya madax banaanida Soomaaliya.