Xasan sheekh oo soo jeediyay nidaamka laba xisbi iyo madaxweyne ku-xigeen
Muqdisho October 14, 2023 (QJ) – -Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad uu jeediyay Jimcihii wuxuu kaga hadlay arrimo kala duwan oo ku saabsan doorashooyinka heer federaal iyo heer maamul gobolleed iyo isbeddelka lagu sameynayo xilka ra’iisul wasaaraha, kaasoo la filayo inuu dhaco 2026-ka.
Madaxweynaha ayaa carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo in la horumariyo nidaamka, isagoo sharraxaad ka bixiyay dib u habeynta suurtagalka ah ee hannaanka doorashada iyo sameynta nidaamka labada xisbi. Waxa uu ku baaqay in la helo hab loo dhan yahay, taasi oo muujineysa in la sameeyo labo xisbi oo waaweyn oo bedela nidaamka hadda jira ee baarlamaanka Soomaaliya.
Wuxuu diiday fikradda ah in heshiisku uu kordhinayo muddada xilka ee hoggaamiyeyaasha, wuxuuna hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay in dhammaan dhinacyada ay khuseyso laga qeybgeliyo geeddi-socodka.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale xusay in Soomaaliya looga baahan yahay inay isku mar ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah, si loo helo nabad waarta, loogana fogaado hoggaan kala qeybsan ama lagu muransan yahay. Waxa uu tilmaamay muhiimadda ay leedahay in la wada shaqeeyo si loo gaaro danta guud ee qaranka.
Waxa uu ku baaqay in qaab mideysan loo wajaho, waxa uuna carabka ku dhuftay in hadii dalka uusan xal u helin marxalada taagan ay caqabad ku noqon doonto in dowlada hada jirta iyo tan imaaneysa ay si hufan u shaqeeyaan.
Wax ka bedelka la soo jeediyay ayaa horyaala baarlamaanka oo aan wali lagu guuleysan in baarlamaanka uu meel mariyo. Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la kulmay siyaasiyiin iyo madax hore, balse kuma guuleysan inuu taageero ballaaran ka helo heshiiska.