|

Xasan Sheekh Oo Qiray Inuu Jiro Khilaaf u Dhexeeya Isaga iyo Ra’isal Wasaarihiisa

Washington:Sep,28,2014(SDN/QJ)-Madaxweynaha Dawladda Federal-ka Somalia Xasan Sheekh Maxamud, ayaa markii ugu horraysay si toos ah u qiray inay jiraan Khilaafaad dhexyaalla isaga iyo Ra’isal wasaarihiisa Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed.

madeexMadaxweyne Xasan oo shalay u warramayey idaacadda VOA-da, ayaa carrabka ku dhuftay jiritaanka khilaafkaas, balse si toos ah uma taaban waxa uu khilaafku yahay iyo meelaha lagu kala ra’yi duwan yahay.

Madaxweynaha ayaa shaaca ka qaaday Khilaafkaan oo muddooyinkii ugu dambeeyay la qarinayey, waxaana uu sheegay in aanay macquul ahayn Xukuumadda iyo dowladnimada dhexdeeda in mar walba dadku ay isku aragti noqdaan, isagoo xusay in isaga iyo ra’iisul wasaaruhu ay is khilaafsan yihiin.

“shalay waa la kala ra’yi duwanaa, maanta waa la kala ra’yi duwan yahay berina waa lasii kala duwanaan karaa, ma u arko anigu wax caqabad ah oo sii wayn oo wel wel iyo cabsi ah inay jiraan, waanan kala duwanahay, Ama Anagoo kala duwan baan wada soconaynaa oo wada shaqeynaynaa ama kala duwanaanshahaas waxaan ku dhammaynaynaa dhaqanka Soomaaliyeed iyo xeerarka dalkeennu maanta uu leeyahay intii suurtogal ah inaan isticmaalno” ayuu yidhi Madaxweyne Xassan Sheekh.

Dhinaca Kale Ra’iisul wasaare C/weli Sheekh Axmed oo dhawaan la waydiiyey in isaga iyo Madaxweyne Xassan ay isku dhacsan yihiin ayaa arrintaasi beeniyey balse waxaa uu sheegay in ay jirto kala aragti duwanaansho, isla-markaana ay qofba si wax ula muuqdaan.

Ugu dambayntii lama oga halka uu ku dambayn doono khilaafka Soo shaac baxay ee u dhexeeya Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha, balse waxaa jira Mooshin Ra’iisul wasaaraha laga diyaariyey oo dhawaan lagu wado in Baarlamaanka la hor geeyo.

Khilaafka ugu weyn ee labadan masuul ayaa dibadda u soo baxay dhawaan markii uu Ra’isal wasaare Cabdiweli xilkii ka qaaday Madaxii Hay’adda Nabadsugida Cabdilaahi Sanbaloolshe, taas oo uu madaxweynuhuhuna si weynu uga horyimi, balse markii dambe uu aqbalay.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

 

Comments are closed