|

Xasan Sheekh oo Maraykanka u safraya iyo kulamada madaxda difaaca dalkaas

Muqdisho. 15 September, 2022. (QJ)- Madaxweynaha dalka Soomaaliya ayaa u safraya dalka Maraykanka oo uu kaga qayb galayo Kulanka Guud Ee Qaramada Midoobay, kaas oo kulminaya madaxda dunida.

Ugu horayn, Xasan Sheekh wuxuu la kulmi doonaa Xoghayaha Difaaca Maraykanka Lloyd Austin oo la filayo in uu Maraykanka kusoo dhaweeyo.

War kasoo baxay Pentagon-ka Maraykanka ayaa lagu sheegay in labada masuul ay ka wada hadli doonaan iskaashiga amni ee Soomaaliya iyo Maraykanka, xili Washington ay Soomaaliya keenayso boqolaal askari oo dheeraad ah.

Xasan Sheekh ayaa sidoo kale la kulmaya madaxda kasoo qayb galaysa Kulanka Guud Ee Qaramada Midoobay.

Comments are closed