Xasan Sheekh oo ka warbixiyay xaalada Soomaaliya
London November 22, 2023 (QJ) – Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyay xarunta cilmi baarista amniga ee RUSI ee magaalada London ayaa ka hadlay dagaalka ay dowladda Soomaaliya kula jirto AS iyo sida uu u arko mustaqbalka Soomaaliya.
Madaxweynaha ayaa faah faahin ka bixiyay marxaladihii uu soo maray dagaalka dalka looga xoreynayo Khawaarijta iyo caqabadaha jira iyo horumarka laga gaaray, isagoo tilmaamay in markii ugu horeysay dowladdu dejisay siyaasad cad oo lagula dagaalamayo argagixisada oo saldhig u ah dagaal saddex geesood ah.
Dagaal Milatari
Dagaal dhaqaale
Iyo dagaal afkaareed oo lagu burburiyo fikirka qalloocan ee Khawaarijta.
Madaxweynaha oo ka warbixiyay horumarka laga gaaray howlgallada dalka looga sifeynayo argagixisada ayaa tilmaamay in in ka badan siddeetan degaan oo Khawaarijtu ay dadka ku dhibaateyn jireen ay maanta xor yihiin, isla markaana dowladda Federaalka ay u fidisay adeegyadii aasaasiga ahaa sida waxbarasho lacag la’aan ah, caafimaad, iyo biyo. Madaxweynaha ayaa si qoto dheer uga hadlay muhiimadda dhaqaalaha iyo horumarka dalka iyo meelaha laga saaray Khawaarijta oo uu tilmaamay inay yihiin dhulka ugu habboon horumarinta iyo wax soo saarka dalka.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay qorshaha dowladda ee ku aadan la wareegida mas’uuliyadda amniga dalka iyo ka bixitaanka ATMIS-ta, isagoo hoosta ka xariiqay dadaalka ay dowladdu ugu jirto dib u dhiska ciidamada Qaranka, ayna ka go’an tahay in muddo kooban dalka looga saaro argagixisada. Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada AMT ay dalka ka bixi doonaan dhamaadka sanadka 2024-ka.
Madaxweynaha ayaa u soo jeediyay saaxiibada caalamka ee taageera dib u dhiska iyo horumarinta Soomaaliya in ay laba jibaaraan dadaallada lagu taageerayo Soomaaliya, si loo xaqiijiyo in guulo wax ku ool ah laga gaaro dadaallada socda ee dib u dhiska dalka.
Madaxweynaha ayaa shacabka Soomaaliyeed ku ammaanay doorkii ay ka qaateen halgankii dib u xoreynta, isagoo xusay in ay asaas u yihiin guulaha muuqda ee ay ciidammada qaranku ka gaareen xoreynta dalka.