Xasan Sheekh Oo Ka Wada-hadalka uu Somaliland Kula Jiro, Daahana Ka Fayday Isbeddello Lagu Sameeyey Qaabkii Wada-hadalka
Copenhagen:Nov,21,2014(SDN/QJ)-Xukuumadda Somalia ayaa wanaag badan ka muujisay Wada-hadalka gaabiska ku socda ee ay hore ula bilowday somaliland, waxana ay rajo ka muujisay in wax fiicani kasii bixi doonaan dhawaan.
Madaxweynaha Somalia oo haatan ku sugan dalka Denmar, ayaa ka hadlay wada-hadalka labada dhinac ay wanaagsan yihiin, isla-markaana baahi weyn loo qabo in wakhti badan la siiyo wada-hadalka.
Waxa uu sidoo kale sheegay Madaxweynuhu in Labada dhinac ay xilli walba wada hadlaan, islamarkaana qaab muuqda hadii aan loo wada hadal ay u wada hadlaan qaab aan muuqan.
“Wada hadalada ma taagneen wey socdeen, laakiin waad taqaanaan marka la galayo, waxa laga hadlayo waa mustqabalka qaran dhan, howl ku carar ah ma aha, heer muuqaal ah hadii aanay ku socon waxay ku socdaan heer aan muuqaal ahayn, anagu waan ku rajo badannahay weli, wadahadalada meel horumar leh ayey soo gaadheen, hadda qaabka wada hadalka ayaa dib loo qaabeeyay, xoghayn joogta ah ayaa la sameeyay oo saldhigooda yahay Istanbul, wada hadalku wuu socdaa, orod iyo deg degsiimo naguma jirto”ayuu yidhi Xasan sheikh.
Dowladda Soomaaliya ayaa wada hadal kula jirto Somaliland, waxaana hore Labada dhinac ay u yeesheen kulamo arimo badan looga hadlay, balse weli wax natiijo ahi wada-hadalka kama ay soo bixin.
SDN/QJ