Xasan Sheekh Oo Jeelka Kasii Daayey Siyaasiyiin Aqbalay Shuruudo La Hordhigay iyo Axmed Daaci Oo Shuruudo Cusub Codsaday
Muqdisho:Aug,24,2014(SDN/QJ)-Wararka laga Helayo Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in la sii daayey tiro ka mid ah siyaasiyiintii Siyaasadda Dawladda Dhaliilay ee dhawaan lagu xidhxidhay Gudaha Magaaldaas, halka qaar kalena wali jeelasha ku jiraa.
Wararka ayaa intaas ku daray in Siyaasiga Maxamuud Daahir Faarax (Qooley) iyo Gudoomiye ku xigeenka Xisbiga Jamhuuriga Cali Maxamed Nuux (Timajilic) xalay laga sii daayey xabsiga Nabadsugida Gobolka Banaadir ee Godka Jilacoow kadib markii ay xabsigaa ku jireen mudo 7 cisho.
Siyaasiyiintan lasii daayey ayaa la sheegayaa inay aqbaleen shuruudo dawladdu ku xidhay siidayntooda, iyadoo hore loogu xidhay afkaartooda dhinaca siyaasadda ah oo ay cabireen.
Waxa la sheegayaa in madaxweyne xasan sheeekh ka codsaday odayaashii Siyaasiyiintan xidhxidhan in loo baahan yahay ballan-qaad ah inaanay raggani dib dambe uga hadli doonin siyaasadda Dawladda iyo dhaliilaheeda, taas oo odayaasha ku adkaatay, balse ay Haddana iska aqbaleen.
Odoyaasha dhaqanka oo arintaasi ku adkaatay ayaa la tashiyo la lahaa maalmihii lasoo dhaafay Maxaabiista u xidhnaa kasoo horjeedida siyaasadda Damujadiid ee u diyaargaroobida doorashada 2016-ka, ilaha qarsoon ee nabadsugida Soomaaliya ayaa sheegay in siyaasiyiintaani aqbaleen in aysan mardanbe uga hadlin idaacadaha Caalamiga iyo kuwa gudaha-ba afkaar ka dhan ah Dawladda Soomaaliya iyo Kooxda Damu Jadiid.
Ilo xog ogaal ah ayaa sheegay in siyasiyiintan sidoo kale la faray inaanay ka hadli karin waxyaabihii ay kusoo arkeen Xabsiga Godka Jilacoow intii ay xabsigaa ku jireen.
Gudoomiyihii hore ee Degmada Wadajir Axmed Daaci ayaa isagu diidey inuu aqbalo shuruudaha Madaxweyne Xasan Sheekh hordhigay qaar kamid ah odoyaashii hore loogu khalday usoo gacan gelintii Axmed Daaci Dawladda Soomaaliya sida nabada ah, shuruudaha Madaxweyne Xasan Sheekh hordhigay odoyaasha, ayaa waxaa ka mid ah in Axmed Daaci joojiyo ka hadalka afkaaraha siyaasadeed ee ka dhanka ah Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Kooxda Damujadiid, sidoo kalana uu joojiyo isu keenida Gudoomiyayaashii hore ee degmooyinka Gobolka Banaadir.
Qodobadaas loo soo bandhigay Axmed Daaci ayaa la sheegayaa in Axmed Daaci ku sheegay inaanu Dawladda Soomaaliya hore mucaarad ugu aheyn haatana qorshihiisu ahayn inuu Mucaarado, balse Dawladda Soomaaliya laga doonayo inay raaligelin ka bixiso weerarkii lagu qaaday gurigiisa, sidoo kalana dawladu magdhaw ka bixiso shacabkii ku dhintay iyo kuwii ku dhaawacmay weerarkii Ciidamada dawladda iyo kuwa AMISOM ku soo qaadeen qeybo kamid ah degmada Wadajir.
SDN/QJ