|

Xasan Sheekh Oo Booqday Qabrigii Madaxweyne Siyaad Barre, Una Duceeyey

Garbahaarray:Aug,01,2014(SDN/QJ)-Madaxweynaha Dawladda Federlka ah ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Safarkiisii uu ku tegay Gobolka Gedo kaga Faa’iidaystay  Booqashada Qabriga uu ku aasan yahay Madaxweynihii hore ee Somalia Gen. Maxamed Siyaar Barre.

qabeMadaxweyne Xasan iyo waftiga uu hoggaaminayo, ayaa Booqashada Qabriga Madaxweyne Siyaad Barre la dul tegay Duco iyo alla bare daqiiqado qaatay, taas oo noqonaysa taariikhda Markii ugu horraysay uu xasan Sheekh Qabrigaas booqdo.

 

Booqashada Qabrigaas ka dib ayuu xasan sheikh dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho, isagoo shacabka reer Gedo-na u ballan qaaday inuu wax ka qaban doono cabashooyin tiro badan oo ay u gudbiyeen.

Gobolka Gedo ayaanay joogin kooxaha Al-shabaab, isla-markaana aanay waligiis iman ciidamada AMISOM, waxana ku sugan ciidamada ugu badan ee dawladda Somalia Hoostaga, kuwaas oo ammaan Badan ku kasbaday ammaanka Halkaas ka jira.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed