|

Xasan Sheekh: Muuse Bada wuxuu u bixiyay in uu ku mudo kororsado

Muqdisho January 05, 2024 (QJ) -Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaashaaca ka qaaday sababta dhabta ah ee uu Madaxweynaha Somaliland ee muda dhaafka Xilka ku jooga uu heshiiska badda ula sexeexday Abiy Ahmed.

Madaxweyne Xasan ayaa khudbadii salaada jimcaha oo uu ka jeediyay masjigka Villa Somalia ayaa sheegay sababata uu Muuse Biixi heshiiska ula sexeexda Abiy Axmed ay tahay in uu mudo kororsi ku sameysto.

Madaxweyne Xasan ayaa sheegay in aaney cidina xilka iska fadhiyi kareyn oo ay khasab tahay in doorasho la qabto.

Madaxweynaha ayaa intaa raaciyay in Muuse Biixi uu damacsan yahay in shisheeye xilka ku sii hayaan, shacabkuna aaney taa aqbali doonin. madaxweynaha ayaa sidoo kale digay dawlada Itoobiya oo uu sheegay in Muuse Biixi siin kareyn taako ka mid ah dhulka soomaalida.

Comments are closed