|

Xasan Sheekh Maxamuud oo sheegay in la wiiqay Awoodii Xarakada Al Shabaab

London Feb 04 2013 (SDN)– Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo Lahadlay BBC-da ayaa sheegay in la wiiqay Awoodii Dhaqdhaqaaqa Shabaab ee dowladda ka soo horjeeda, waxaana uu sheegay in la sii wadi doono ciribtirkooda sida uu hadlka u dhigay.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tilmaamay ay cadahay in Milatari ahaan looga adkaaday Xarakada Al Shabaab oo dhulbadan maamuleysay ka hor inta aysan meesha imaan dowladiisa 5-bil jirtay.

“Al Shabaab Milatari ahaan in looga adkaado waa wax wanaagsan sida hada la sameeyay” Ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa la weydiiyay qorshihiisa ku aadan Al Shabaab iyo hadii ay doonayaan in ay wadahadal lagalaan iyo inkale, waxaana uu Madaxweynu sheegay in Al Shabaab sida ay ula taacaamulayaan ay u qeybsanto dhawrjeer marka loo eego fikirkooda.

Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in Wiilasha iyo Gabdhaha Al Shabaab ugu biiray siyaabo kala duwan ay haboontahay in dib loo soo celiyo, laakiin waxa u carabka ku dhuftay in kuwa xagjirka ah ee aan la heyn ajando siyaasadeed aysan muuqan wax lagula hadlo.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale baaq kulul ugu sheegay Ajaanibta ka barbar dagaalameysa Al Shabaab in ay isaga baxaana Soomaaliya islamarkaana aysan jirin wadahadal ay lagalayaan balse badalkeeda dagaal uu kala dhaxeeeyo.

Ugudanbeyn Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in wadaha dal laal furayo cid kasta oo diyaar u ah nabada iyo xasiloonida Soomaaliya.

SDN-London  

Comments are closed