Xasan Sheekh Maxamuud Oo Maanta Ku Sii Jeeda Marka Iyo Kulamo La Filayo Inuu La Qaato Odayaasha Dhaqanka iyo waxgaradka beelihii ku wada dagaalamay Magaalada Marka.
Marka:19,June,2014 (SDN/QJ)-. Madaxweynaha Dowladda Federalka ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Maanta Oo Khamiis ah waxa uu ku sii jeedaa Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose.
Magaalada Marka waxaa tan iyo Sabtidii ku sugan wefdi uu horkacaayo Wasiirka Wasaarada Gaashaandhiga ahna Ku Simaha Wasiirka Amniga Qaranka ee Somaliya General Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, oo loogu diray si ay u xaliyaan beelaha ku wada dagaalamay.
General Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, ayaa waxa uu beeluhu kala kulmay diidmo ah in Magaalada Marka lagu wareejiyo Ciidan isku dhaf ah, oo Sabtidii ay Dowladdu geysay Magaalada Marka.
Beeluhu waxay kala tirsanayaan dhibaatooyin ay sheeganeyso midba midda kale, waxayna labaduba ku andacoonayaan in lagu soo xadgudbay.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa waxaa la filayaa in uu la kulmo Odayaasha Dhaqanka iyo waxgaradka beelihii ku wada dagaalamay Magaalada Marka.
Madaxweynaha Somaliya, ayaa sidoo kale waxaa lagu wadaa in uu booqasho ku taggo Gobolka Galgaduud, haddii aanu waxba iska bedelin sida uu yahay qorshaha Madaxweynaha.
SDN/QJ-Marka
contact@somalidiasporanews.com