Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Somaliya oo gaaray Magaalada Washingtonee dalka Maraykanka
WashingtonJan 15 2013 (SDN)— Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray MagaaladaWashingtonee Caasimada dalka Maraykanka.
Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya iyo wafdigiisa ayaa gaaray MagaaladaWashingtonee caasimada Maraykanka halkaasi oo qorshuhu yahay in uu kula kulmo madaxda Maraykanka.
Madaxweynaha Soomaaliya oo ay wafdigiisa ka midyihiin Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo la taliyayaal ayaa gaaray halkaasi, waxaana uu la kulmi doonaa mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradaha Arrimaha dibadda, Gaashaandhigga, Hay’adda USAID iyo Bangiga Aduunka.
Dhinacyada uu la kulmi doono Madaxweynaha ayaa waxaa la sheegay in uu kala hadli doono arrimaha Soomaaliya iyo sidii dowladda Maraykanku ay u garabsiin laheyd Soomaaliya.
Sidoo kale Madaxweynaha ayaa la kulmi doona Jaaliyada Soomaalida ee ku dhaqan dalka Maraykanka, isagoo lafilayo in Jimcaha uu u duulo Magaalada Miniyabulis ee Minisoto ee dalka Maraykanka halkaasi oo ay ku nool yihiin Soomaalida ugu badan.
SDN-Washington