Xasan Sheekh Maxamud Oo u banbaxay Sidii U Baabi’in lahaa Xisbigii Sheekh Shariif, Xubin Muhiim Ahna Kala Soo Dhex Baxay
Muqdisho:20-Aug-2013-(SDN)-Warar ku dhaw dhaw Aqalka Madaxtooyada Villa Soomaaliya, ayaa sheegaya in madaxweyne Xasan Sheekh uu haatan u ban baxay sidii uu hilifaha ugu laabi lahaa xisbiga madaxweynihii uu ka guulasytay ee Sheekh Shariif, isagoo mid ka mid ah baalashii xisbigaas u magacaabay xil muhiim ah.
Waxa la sheegayaa in masuulkaas oo Magaciisa la yidhaahdo Daahir Maxamuud Geelle laga dhigay la taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Carabta iyo Islaamka.
Daahir Maxamuud Geele oo ahaa wasiirkii hore warfaafinta xukuumadiI Cumar Cabdi Rashiid iyo madaxiI madashii Daljir(daljir Forum) ee ay Xizbigii Aala sheikh ku midaysanaayeen, ayaa la sheegayaa inuu xilkaas ku qancay.
Daahir Maxamuud Geele ayaa waxa uu aad ugu dhawaa madaxweynihii hore ee dalka Sharif sheikh Axmed waxaana dadka siyaasada falanqeeya ay arintan ku tilmaamayaan mid muujineysa in uu ka baxay Xisbigii hore ee Aala sheikh.
Abdulaahi Abyan Nuur oo hore u ahaa ku-xigeenkii Daahir Geele ee madashii Daljir ayaa hore uga baxay Aala Sheekh isaga oo laga dhigay wasiirka cadaalada ee xukuumada Saacid, waxaana magacaabista Geele ay ka dhigantahay fur-furid lagu wado Xizbigii Sheekh Shariif si looga bab-baado khatar xagga mucaaradnimada ah oo ka imaan karta.
Somalidiasporanews.com
Contacta@somalidiasporanews.com